Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hanti-dhowraha Guud Ee Fadaraalka oo soo bandhigay Malaayiin Dolar oo la lunsaday
    Somalia

    Hanti-dhowraha Guud Ee Fadaraalka oo soo bandhigay Malaayiin Dolar oo la lunsaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 21, 2021Updated:November 21, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hanti-dhowaraha Guud ee Qaranka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali Afgooye ayaa soo saraay warbixin sannadeedka ku saabsan baaritaanka maaliyadda laamaha dawladda Soomaaliya.

    Warbixinahan ayaa ka kooban kuwo ka hadlaya dhaqaalaha soo galay dawladda Soomaaliya dibedda iyo gudaha iyo sida loo maamulay, gaar ahaan wasaaradaha iyo qaybaha kala duwan.

    Sidoo kale waxaa ku jirta warbxiin si gaar ah diiradda u saaraysa kharashaadkii ku baxay la dagaalanka cudurka COVID-19 iyo sida loo maamulay.

    Waxaa markii ugu horraysay uu hanti-dhowruhu baaritaan ku sameeyey hannanaka loo bixiyo shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya iyo maamulka dakhliga kasoo xarooda.

    Ugu horrayn waxa uu sheegay inuu baadhitaan uu ku sameeyey sannadkan 25 hay’adood oo kuwa dawladda ah iyo saddex safaaradood.

    Hanti-dhowraha qaranka waxa uu ku sheegay warbixintiisa in miisaaniyadda sannadkii 2020-ka ay ahayd $685 milyan, inta baaritaanka lagu samayeeyeyna ay ahayd $287.8 milyan.

    Waxa uu sheegay in kharashaadka hay’adahaas kala duwan ee aan loo hayn dokumentiyo muujinaya sida loo maamulay ay yihiin $9.1 milyan.

    Waxa uu sheegay in kaharashaadkaas intaas dhan aysan wax caddaymo ah u haynin sida ay ku baxeen 22 ka mid ah hay’adaha uu baaritaanka ku sameeyey xafiiska hanti dhowrka.

    Hanti-dhoworaha ayaa intaas ku daray in qandaraasyada ay bixiyeen hay’adaha dawladda ee aan laga diiwanagelin xafiiska hanti-dhowraha ay ku fadhiyaan dhaqaale dhan $31 milyan oo dollar.

    Waxaa sidoo kale uu sheegay inuu baartaankiisa ku ogaaday jiritaanka akoonno ay adeegsadaan qaar ka mid ah hay’adaha dawladda oo ka baxsan qasnadda dhexe ee dawladda.

    Waxa uu sheegay in lacag dhan $17 milyan oo dollar oo taageero dibadeed ah aan lasoo marsiinin qasnadda dhexe ee dawladda.

    Waxa uuu sheegay in safaarada iyo xafiisyada ay Soomaaliya ku leedahay waddamada dibedda ay sannadkaas qabteen dakhli dhan $278,000 lacagtaas oo aan lagu darin warbixinada maaliyayeed ee ay soo gudbiyeen.

    Waxaa sidoo kale uu sheegay in maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aysan soo gudbin macluumaadka sida ay u kharash gareeyeen $78 milyan oo ay ka heleen dawladda federaalka.

    Hanti-dhworraha Maxamed Maxamuud Cali oo ka hadlayey baaritaanka uu ku sameeyey sida loo maamulay lacagaha COVID-19 ayaa sheegay inay dawladda soo gashay lacag ka badan $51 milyan oo gudaha yo diebdda ah.

    Waxa uu sheegay in $3.9 milyan oo ka mid ah lacagtaas oo la siiyey maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir aan lasoo gudbin caddaymo muuujinaya sidii ay ku baxeen.

    Waxa uu intaas ku daray inuusan jirin qorshe hufan oo nidaaminayey jawaabta dawladdu ka bixisay la dagaalanka cudurka COVID-19. Waxa uu sheegay in lagu guuldarraystay in la diyaariyo xarumo karantiil iyo kuwa dadka lagu daweeyo oo ku filan inkastoo sida uu sheegay la hayey dhaqaalihii ku bixi lahaa.

    Ugu dambayn waxa uu sheegay hanti-dhowraha inuu baaritaan ku sameeyey nidaamka loo bixiyo kharashka kasoo xarooda shatiyada kalluumaysiga Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ugu horrayn aysan jirin shuruuc lagu maamulo waaxda kalluumaysiga.

    Waxa uu sheegay in dakhliga ay ahayd inuu soo xaroodo uu yahay $56 milyan kaasoo ay ahayd in laga qaado maraakiibta ka kalluumaysta xeebaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay inaysan jirin kormeer iyo la socod maraakiibta ka kalluumaysanaysa xeebaha Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.