Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hanti-dhowraha Guud oo furay Dacwad ka dhan ah heshiiska Shidaalka
    Somalia

    Hanti-dhowraha Guud oo furay Dacwad ka dhan ah heshiiska Shidaalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 20, 2022Updated:February 20, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee qaranka ayaa sheegay in hannaanka iyo habraacayada loo maray heshiiska ay shaacisya Wasaarada Batroolka iyo Macdanta ay baalmarsan yihiin dastuurka, isla markaana ay khatar mug leh ku yihiin khayraadka Ummadda Soomaaliyeed.

    Xafiiska ayaa sheegay inuu ku wargeliyey wasaaradda iyo dhinacyada ay khusayso inuu heshiiskaasi yahay waxba kama jiraan, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Hanti-dhowraha Qaranka.

    War saxaafadeedkaas ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu xafiisku gal dacwadeed u gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud ee qaranka si tallaabo sharci ah looga qaado.

    Xafiiska Hanti-dhowraha ayaa talo ugu jeediyey Ra’iisul Wasaaraha in shaqada laga joojiyo shaqsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiskaas lala galay shrikadda Coastline Exploration.

    Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

    Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka (XHGQ) waxaa uu dib-u-eegis ku sameeyay hannaanka iyo habraacyada loo maray heshiiska la shaaciyay inuu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee ku aaddanaa bixinta toddobo xirmood oo shidaalka Soomaaliya ah.

    Waxaa Xafiiska dib-u-eegistaas uga soo baxday in si toos ah loo baalmaray Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah ee JFS, Sharciga Iibka Qaranka (Sharci Lr. 22 iyo wax-ka-beddelkiisa), Sharciga Batroolka (Sharci Lr. 19) iyo habraacyada dhaqangalka ah ee dalka, kuwaas oo loo asteeyay in lagu maamulo gelidda heshiisyada caalamiga ah. Taallaabadaas ayaa khatar mug leh ku ah khayraadka ummadda Soomaaliyeed iyo dhawritaanka dhigaalka hantiyeed ee jiilka mustaqbalka.

    Haddaba, XHGQ isaga oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa waxa uu ku wargeliyay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta iyo hay’adaha ay khuseysaba in uu heshiiskaas gabi ahaanba waxba kama jiraan yahay.

    Sidoo kale, Xafiisku waxaa uu warqad u gudbiyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo hay’addaha ku shaqada leh si loo hubiyo loogana gun-gaaro haddii ay jiraan falal musuq ah oo saameyn ku leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah ee ay ku lugta lahayd shirkadda Coastline Exploration Ltd, iyadoo la tixraacayo shuruucda dalkeenna, U.S. Foreign Corrupt Practices Act (FCPA) iyo shuruucda kale ee caalamiga ah.

    Intaa waxaa dheer in XHGQ uu gal-dacwadeed u gudbiyay Xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud ee Qaranka si ay waajibaadkooda sharciga waafaqsan uga gutaan, natiijada baaristana ay ula wadaagaan ummadda Soomaaliyeed.

    Sidaas si la mid ah, XHGQ isaga oo ka jawaabaya codsi ka soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha XFS kaas oo ku qotomay in baaris lagu sameeyo heshiiska sharci darrada ah, ayaa Xafiiska waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la socodsiiyay in uu gutay waajibaadkii arrinkaan kaga aaddanaa. XHGQ ayaa ku taliyay in Ra’iisul Wasaarahu uu shaqo ka joojin ku sameeyo dhammaan shakhsiyaadka ku lugta leh saxiixa heshiiska sharci darrada ah illaa iyo inta laamaha garsoorka ay waajibaadkooda kaga aaddan ka gudanayaan.

    Ugu danbayn Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka waxa uu mar walba u taaganyahay ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed iyo hubanti-galinta in la dhaqan galiyo shuruucda dalka.

    Iyada oo taa laga duulayo, waxa aan markale xusuusinaynaa hay’adaha Dowladda in ay ka dhawrsoonaadaan kutagrifalka hantida dadweynaha iyo baalmarka shuruucda dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.