Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Haweenay markii ugu horraysay hoggaanka u qabatay CIA
    Somalia

    Haweenay markii ugu horraysay hoggaanka u qabatay CIA

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 18, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Senate-ka Maraykanka ayaa markii u horraysay haweenay u idmaday in ay hogaamiso hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA, inkastoo ay door ku soo yeelatay barnaamij ay hay’addani fulisay 9/11 oo dadka lagu baarijiray.
     
    Ansixinta Gina Haspel ayaa timid iyadoo kala qaybsanaan xisbi ay ka jirtay aqalka arrintaas oo la xiriirtay biyo maxaabiista lagu hafin jiray wakhtigii Bush.
     
    Haspel oo horay uga soo shaqaysay CIA-da ayaa mar masuul ka ahayd xarun la dhihi jiray goobta madaw oo ku taallay Thailand taas oo la aasaasay wixii ka dambeeyay weerarkii 11 Sabtembar ee 2001dii.
     
    Mike Pompeo oo hogaaminayay hay’adda sirdoonka Maraykanka ee CIA ayaa xilka banneeyay si uu u noqdo Wasiirka Arrimaha Dibadda.
     
    John McCain oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga oo la jirdilay in kabadan shan sano oo uu ku jiray xabsi Vietnam ku yaalla ayaa horay u sheegay sida uu uga soo horjeedo haweenayda uu madaxweyne Donald Trump magacaabay.
     
    Khamiistii ayay lix xildhibaan ka tallaabeen xadkii xisbigooda Dimuqraadiga waxayna u codeeyeen haweenaydan.
     
    Xubnahaas waxaa ka mid ah Mark Warner oo laga soo doorto Virginia wuxuuna sheegay in Haspel ay u sheegtay in aysan ahayn in hay’addu ay adeegsato xeeladihii ciqaabta ahaa ee ay u adeegsatay dadkii ay baaritaanka ku haysay.
     
    Wuxuu intaas ku daray in ay u sheegtay in aysan marnaba adeegsan doonin arrintaas oo kale xitaa haddii uu madaxweynuhu ka dalbado.
     
    “Waxaan rumaysanahay in ay tahay shaqsi ku dhiiran karta in ay madaxweynaha hor istaagto oo ay runta u sheegto haddii uu madaxweyne uu ku amro in ay samayso wax sharci darro ah ama aan wanaagsanayn”. ayuu yiri Mark
     
    Haspel oo 61 jir ah ayaa hay’addan ka soo shaqaysay 33 sano, inta badan nolosheedana si qarsoodi ah ayay u soo shaqaynaysay.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.