Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Hawlgelinta Midowga Yurub iyo Taliska Ciidamada Badda PL oo kulmay
    Puntland

    Hawlgelinta Midowga Yurub iyo Taliska Ciidamada Badda PL oo kulmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 11, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Hawlgelinta Ciidamada PMPF Gen. Abdirahman Mohamed Jama oo ay weheliyaan Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Boosaaso Madaxa Hawlgallada Rayidka ka ah ee European Union (Midawga Yurub) Mr. Stefano Tomat oo uu weheliyo Madaxa EUCAP Somalia Mr. Kęstutis LanĨinskas.

    Kulanka oo ka qabsoomay Xarunta Hawlgallada iyo la socoshada dhaqdhaqaaqyada Badaha ee PMPF (MOC) ayaa looga wadahadlay xoojinta Wadashaqaynta labada dhinac, sare u qaadidda hawlgallada EUCAP Soomaaliya ay ka fuliyaan dalka, gaar ahaan Puntland iyo dardargelinta iskaashiga Tababarada socda ee lagu tayaynaayo ciidamada PMPF, wadaagista xogta falalka Amidaro ee ka dhaca badaha iyo in la iska-kaashado waxkasta oo liddi ku ah amniga, qaanuunka iyo xasiloonida Badaha dalka iyo kuwa Caalamiga ah.

    Dhinaca kale, Taliska Guud ee ciidamada PMPF ayaa ku adkeeyey Weftiga Midawga Yurub iyo kuwa EUCAP Somalia in sare loo qaado Hawlgallada ay ka fuliyaan dalka, islamarkaana lagu saleeyo qorshayaasha hortebinta leh ee lagu horumarinaayo Amniga Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kuwaas oo ah tababarada ciidamada iyo qalabayntooda, taasi oo muhiim u ah in guul wadajira laga gaaro yoolasha midaysan ee wadashaqaynta labada dhinac.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.