Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiirada Federaalka oo ansixiyey Miisaaniyada 2018,hambalyana u direy doorashooyinka Somaliland.
    Somalia

    Golaha Wasiirada Federaalka oo ansixiyey Miisaaniyada 2018,hambalyana u direy doorashooyinka Somaliland.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2017Updated:November 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho, 14 November 2017 – Shir gaar ah oo ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu ansixiyey miisaaniyadda 2018 isla markaasna hambalyo loo direy doorashooyinka Somaliland.

    Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn warbixin ka dhageystay guddi heer wasiir ah oo daraasad ku soo sameeyey dardargelinta xasilinta dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho. Guddiga ayaa warbixin dheer ka dib ay soo jeediyeen tallooyin muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in amniga caasimada la deegaameeyo oo barnaamijka dariseynta la dhaqangeliyo, in la diiwaangeliyo gaadiidka iyo guryaha, in taariko gaar ah loo sameeyo caasimada si gaadiidka soo galaya loo ogaado, in aaladaha casriga loo isticmaalo amniga iyo in wacyigelin buuxda bulshada loo sameeya si ay amniga kaalin buuxda uga qaataan. Golaha ayaa ka dooday oo su’aalo weydiiyey guddiga, ka dibna isku raacay in waxii tallooyin dheeri ah loo soo gudbiyo hay’adaha amniga si loo dardargeliyo barnaamijka xasilinta dalka.

    Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyada 2018 oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka. Miisaaniyadan ayaa ah mid si casri ah loo soo diyaariyey kuna timid wadatashiyo lala sameeyey dhammaan hay’adaha dawliga ah oo ay ku jiraan dawlad goboleedyada, iyadoo diirada lagu saaray adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey lagu xoojinayo afka Soomaaliga oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga. Sidoo kale waxaa miisaaniyadan ku jiro in la dhiso warshada dharka ciidamada, dhismaha hay’adaha horumarinta dhaqaalaha iyo miisaaniyad loo qoondooyey la dagaalanka musuqmaasuqa. Golaha Wasiirada ayaa dood dheer ka dib ansixiyey miisaaniyada 2018 oo dhan $274,640,191 (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

    Ugu danbeyntii Golaha Wasiirada ayaa dhageystay warbixin la xiriirta doorashooyinka ka socda deegaanada Somaliland iyo ololahii ballaarnaa ee doorashadii shalay ka horeysey. Dood dheer ka dib, Golaha Wasiiradu waxey aad u ammaaneen isla markaasna ay hambalyo u direen doorashooyinka Somaliland oo si nabad ah u dhacay, kuna tilmaamay doorashooyin si dimoqraadiyad ah u dhacay oo xitaa ka fiican wadamada galbeedka qaarkood. Golaha ayaa sheegay inay habboon tahay in warbixinta rasmiga ah laga sugo guddiga doorashooyinka oo cidii ku guuleysata la soo dhoweeyo lalana shaqeeyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.