Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamiyayaasha Milatariga Sudan oo garab istaag umuujiyay Sacuudiga
    Somalia

    Hogaamiyayaasha Milatariga Sudan oo garab istaag umuujiyay Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha millatari ee sida kumeel gaarka ah u xakuma dalka Sudan ayaa wacad ku maray in ay taageeri doonaan dalka Sacuudiga, haddii ay khatar kaga timaado dalka Iran oo ay Sacuudiga hadda ku xafiiltamayaan siyaasadda Bariga Dhexe.

    Kaddib kulan uu Jimcihi maanta magaalada Riyadh kula yeeshay dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman, ayuu General Mohamed Hamdan Dagalo, oo ah ku xigeenka taliska milatariga ee talada Sudan haya, sheegay in Sudan ay isgarab taagi doonto Sacuudi Caraibya, haddii ay weeraro ama khatar kasoo wajahahaan Iran ama maleeshiyaadka xuutiyiinta Yemen.

    General Mohamed Hamdan, wuxuu sidoo kale ballan-qaaday in ciidanka milatariga Sudan uu kasii qeyb ahaan doono dagaalka ay Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ka wadaan Yemen, kaas oo ay ku rabaan in ay xiddidada ugu siibaan maleeshiyaadka Xuutiyiinta Yemen ee taageerada ka hela Iran.

    Hadalka kasoo yeeray Golaha Milatariga Sudan, ayaa noqday kii ugu horreeyay ee ay kaga hadlaan siyaasaddooda dibadda, tan iyo marki ay xakunka ka tuureen, madaxweynihi hore ee dalkaasi general Omar al-Bashir bishii aanu kasoo gudubnay.

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.