Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamiyihii Alshabaab oo laysla dhexmarayo in uu geeriyooday
    Somalia

    Hogaamiyihii Alshabaab oo laysla dhexmarayo in uu geeriyooday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 27, 2018No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey warar laga soo xigtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo sheegay inuu geeriyooday hoggaamiyihii ururkaasi Axmed Diiriye Abu Cubayda.

    Sarkaalka Gaashaanle Sare Ismaaciil Sheekh Isxaaq oo u warramay idaacadda ku hadasha codka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Abu Cubayda uu ku dhintay degaanka Jubbada Dhexe.

    Hase yeeshee mid ka mid ah shabakadaha internet-ka ee taageera Al-Shabab oo sheegtay inay la xiriirtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabab oo ku tilmaamay hadalkaasi mid aan sal iyo raad toona alahayn.

    Sarkaalka ayaa ku eedeeyey mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya inay warkan ay ku daboolayaan heshiiskii lala gaaray Itoobiya, sida uu hadalka u dhigay.

    Wararka ku saabsan caafimaad darrada Abu Cubayda ayaa beryahan la isla dhexmarayey, balse ilaa haatan warar madaxbannaan lagama hayo dhimashada ama caafimaad darrada la sheegay inay lasoo deristay hoggaamiyaha Al-Shabab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.