Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hogaamiyihii IS Oo lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha Siiriya
    Somalia

    Hogaamiyihii IS Oo lagu dilay dagaal ka dhacay gudaha Siiriya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamka ee IS,ayaa ku dhawaaqday inuu geeriyooday hogaamiyihii ururkaasi Abuu Al-Xassan Al-Hashimi al-Qurayshi.

    Fariin cod ah oo uu soo saaray afhayeenka kooxda ayaa lagu sheegay in la dilay xilli uu la dagaallamayay waxa uu ugu yeeray โ€œCadowga Alleโ€, balse ma uusan bixin faah faahin intaas dheer.

    Maraykanka,ayaa sheegay in lagu dilay hawlgal ay fallaagada Free Syrian Army ka fuliyeen koonfurta-galbeed ee dalka Suuriya bartamihii bishii Oktoobar.

    Afhayeenku wuxuu sheegay in hoggaamiyaha geeriyooday lagu badlay hoggaamiye cusub oo lagu magacaabo Abuu al-Xuseein al-Xuseyn al-Qurayshi.

    Balse afhayeenku waxaa uu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa dhabta ah, dhalashadiisa iyo halka uu ka soo jeedo.

    Waxa uu ku tilmaamay Abuu al-Xussein inuu ka mid ahaa mujaahidiinta ruug cadaaga ah,waxana uu ku booriyay taageerayaasha kooxda in ay daacad noqdaan.

    Faah-faahin badan lagama hayo Abuu al-Xasan, oo aan waligiis wax hadal ah ku soo saarin magaciisa hoggaamiye. Laakiin Isniintii, baraha bulshada ee tagaeera kooxda IS ayaa lagu sheegay in la dilay “muddo ka hor”.

    Taliska dhexe ee ciidamada Maraykanka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Abuu al-Xassan ay ku dileen gobolka Deraa ee koonfurta-galbeed ee dalka Suuriya, waxaana dilkiisa fuliyay dallad ay ku midaysan yihiin kooxaha fallaagada ah ee doonaya inay xukunka ka tuuraan madaxweyne Bashaar Al-Asad dagaalka sokeeye ee dalkaas ka socda. .

    Ma jiro wax ciidamo Mareykan ah oo ku lug lahaa howlgalka, afhayeen u hadlay militariga ayaa sidaasi sheegay

    Mar sii horreysay, afhayeen u hadlay Golaha Ammaanka Qaranka Mareykanka, John Kirby ayaa yiri: “Waxaan soo dhaweyneynaa ku dhawaaqista in hoggaamiye kale oo [IS] uusan hadda ku socon wejiga dhulka.”

    IS ayaa mar haysatay 88,000 km oo dhul ah oo ka bilaabmaya bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkooda naxariista ka fog ku soo rogeyn ku dhawaad siddeed milyan oo qof.

    Waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 6,000 ilaa 10,000 oo dagaalyahano ah in ay ku suganyihiin Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo inta badan saldhigyo ku leh dhulka miyiga ah, waxayna sii wadaan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, weeraro gaadmo ah iyo qaraxyo.

    Isbahaysiga IS ee gobolka ayaa sidoo kale khataro ku haya goobaha kale ee colaaduhu ka jiraan ee adduunka oo dhan. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in shabakadaha ugu xooggan dhanka isku xirka ay saldhigyo ku leeyihiin dalalkaAfgaanistaan, Soomaaliya iyo harada Chad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.