Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Horyaalka Kubada Cagta Puntland oo lasoo gabagabeeyay
    Puntland

    Horyaalka Kubada Cagta Puntland oo lasoo gabagabeeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 05- June – 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha HomboboroFC iyo ComsedFC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda HomboboroFC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay.

    “Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay oo galay kaalinta labaad ee tartanka.

    Sharaf ayeey ii ahayd inaan ka qeybgalay oo daawaday ciyaartii kama danbeysta aheyd, waana ku faraxsanahay horumarka dhinaca Ciyaaraha ee socda, Ciyaaruhu waa is dhexgal bulsho waxayna ka qeyb qaataan nabadgelyada iyo horumarka bulshooyinka.

    Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay dhallinyarada , waxaanuna u sameynay Wasaarad gaar u ah arrimaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha , waan boggaadinaya Wasaaradda, Xiriirka Ciyaaraha, Kooxaha ka qeybgalay tartanka, taageerayaasha , garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ka wada qeyb qaatay Koobka.
    Hambalyo“ Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Munaasabadda xiritaanka Koobka naadiyada horyaalka Gobolada Puntland, waxaa kala qeybgalay Madaxweynaha , Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Saciid, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Duqa Caasimadda Garoowe , Xiriirka Ciyaaraha, Lataliyeyaal iyo martı sharaf kale.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faahfaahin qorshaha Maraykanku uga samaysanayo Saldhigyo Milleteri Bosaso iyo Berbera

    December 10, 2025

    Ciidamada PL oo laayay tiro argagixisada Daacish ah

    December 9, 2025

    Ma dhabaa in Caruurta hogaamiyaha Daacishta Somaliya ay wax ka bartaan UK?

    December 9, 2025
    Latest Posts

    Faahfaahin qorshaha Maraykanku uga samaysanayo Saldhigyo Milleteri Bosaso iyo Berbera

    Ciidamada PL oo laayay tiro argagixisada Daacish ah

    Ma dhabaa in Caruurta hogaamiyaha Daacishta Somaliya ay wax ka bartaan UK?

    Mid ka mid ah xubnihii Ajaanibka ahaa Ee Daacish laga qabtay oo bixiyay Waraysi muhiim ah

    Faallo:-Saameynta deyn cafinta Soomaaliya iyo ugogol xaarida deymo cusub?

    Imisa Sano ayay qaadanaysaa in Somaliya shidaal laga qodo?

    Xaafad kale oo casri ah oo Garowe ka hirgashay.

    Galkacyo oo yeelatay Hotel casriya oo Five Star ah

    La xisaabtankii Baarlamaanka PL Ee Garsoorka oo dib loo dhigay

    Faallo:-Xasan iyo AS miyay ku kulmayaan Qatar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.