Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Horyaalka Kubada Cagta Puntland oo lasoo gabagabeeyay
    Puntland

    Horyaalka Kubada Cagta Puntland oo lasoo gabagabeeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe: 05- June – 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta soo xiray Koobka kubadda cagta Naadiyada heerka koowaad ee Gobollada Puntland, isagoo daawaday Ciyaarta kama danbeysta ah Final-ka Koobka oo ay isugu soo hareen Kooxaha HomboboroFC iyo ComsedFC, wuxuuna Koobka guddoonsiisay Kooxda HomboboroFC oo ku guuleysatay Gool-Ku-Laad.

    Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Ciyaaraha, taageerayaasha iyo dhammaan dhinacyadii kala shaqeeyay sidii wanaagsaneyd ee Koobka u qabsoomay.

    “Waxaan u hambalyeeynayaa Kooxda kubadda cagta ee Homboboro FC oo ku guuleysatay Koobka Horyaalka Naadiyada Heerka koowaad ee Puntland, sidoo kale waxaan boggaadinaya Kooxda Comsed oo iyana dadaalay oo galay kaalinta labaad ee tartanka.

    Sharaf ayeey ii ahayd inaan ka qeybgalay oo daawaday ciyaartii kama danbeysta aheyd, waana ku faraxsanahay horumarka dhinaca Ciyaaraha ee socda, Ciyaaruhu waa is dhexgal bulsho waxayna ka qeyb qaataan nabadgelyada iyo horumarka bulshooyinka.

    Dowladdu muhiimad gaar ah ayeey siisay dhallinyarada , waxaanuna u sameynay Wasaarad gaar u ah arrimaha dhallinyarada iyo Ciyaaraha , waan boggaadinaya Wasaaradda, Xiriirka Ciyaaraha, Kooxaha ka qeybgalay tartanka, taageerayaasha , garsoorka iyo dhammaan dhinacyada ka wada qeyb qaatay Koobka.
    Hambalyo“ Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

    Munaasabadda xiritaanka Koobka naadiyada horyaalka Gobolada Puntland, waxaa kala qeybgalay Madaxweynaha , Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Marwo Hodan Saciid, Xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Duqa Caasimadda Garoowe , Xiriirka Ciyaaraha, Lataliyeyaal iyo martı sharaf kale.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    February 7, 2026

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    February 7, 2026

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    February 7, 2026
    Latest Posts

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Ciidamada cusub Ee Booliska PL oo la wareegay amniga Gobolka Mudug

    Xasan Shiikh Oo Qatar u Aaday yaboohsi dhaqaale

    Warbixinta amaanka Guud Ee Puntland?,Qaybta 1-Aad.

    Xog:-Shidaalka Koonfurta iyo Bartamaha Ee Turkiga ku hawlahan yahay.

    Ugu danbayn Madaxweynayaasha PL iyo JL oo ku wajahan Muqdisho

    Faallo:-Laftagareen haduu faahin siyaasadeed yahay haka boodo Tareenka Xasan.

    GMS oo war kasoo saaray dagaalka Baydhabo.

    Puntland oo Ciidamo cusub udirtay Gobolka Mudug

    Faallo:-Maraykanku in uu amaano Ciidamada PL si gaar ah mahan mid fudud.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.