Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hub iyo saanad Milatari oo gacanta ugalay Maleeshiyada Alshabaab
    Somalia

    Hub iyo saanad Milatari oo gacanta ugalay Maleeshiyada Alshabaab

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 6, 2018Updated:July 6, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dowlada Jubbaland ayaa Dowladda Fadaraalka Soomaaliya u qortay warqad cabasho ah oo ku aadan dhibaatooyinka amniga iyo Siyaasadda halista ku ah ee laga wado degaamada Jubbaland, kuwaasoo ay ku eedeeysey in ey waddaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Fadaraalka Somaliya.
     
    Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in hub ay wadeen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somaliya uu ugalay gacanta Al-Shabaab.
     
    Maamulka ayaa sheegay in hubkaas loogu tallo galay lagula dagaalamo al-shabaab balse hadda uu iyaga gacanta u galay, iyagoo xusay in arintaas ay ku timid la tashi la’aan.
     
    Qodobada cabashada ah ee kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa ka mid ahaa:
     
     
    1- In la baabi’yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA.
     
    2 – Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,
     
    3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,
     
    4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhigooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,
     
    5 – In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,
     
    6 – Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,
     
    7 – Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.