Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ILMO FARMAAJO IYO GANACSIGA QAADKA!!!
    Somalia

    ILMO FARMAAJO IYO GANACSIGA QAADKA!!!

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 3, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ILMO FARMAAJO IYO GANACSIGA QAADKA

    Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄ ka ganacsiga Qaadku ama Jaadku waxaa uu soo jiray muddo dheer. Waxaa uu ahaa bilowgii ganacsi ceebeed. Horaantii wax xun bay ahayd in dadka sharafta lihi ka ganacsadaan ama xitaa cunaan.

    Qaadka Koofurta Somalia waxaa uu ka imaan jiray Kenya πŸ‡°πŸ‡ͺ halka Qaadka Waqooyigu ka imaan jiray Ethiopia πŸ‡ͺπŸ‡Ή .

    Dowladda Madaxda uu ka yahay FARMAAJO ka hor, Qaadk Kenya laga keeni jiray ayaa waxaa ka ganacsan jiray 22 shirkadood oo Somali & Somalia Kenya leeyihiin. Waxaa dalka imaan jiray maalin walba celcelis ahaan ilaa 20 diyaaradood.

    Waxaa dalka soo geli jiray ugu yaraan 24 xirmo oo mid walba Canshuur ahaan laga qaadi jiray $3000 oo ah $72000 maalin kasta. Khamiista iyo Jimcaha waxaa la keeni jiray 30 xirmo waxayna lacagtu gaari jirtay $90,000.

    Dowladdu waxaa loo sheegi jiray inay maalin walba ay soo gasho wadanka 14 xirmo inta kalena waxaa qaadan jiray dad la yaqaan. Sidaa darteed waxaa Dowladda Canshuur ahaan Waxaa gaari jiray Maalin walba $42,000 kaliya.

    Bil walba waxaa dawlada ay canshuur ahaan u heli jirtay $1,260,000 iyada oo 10 xirmo oo ah 10x$3000 bishiina $900,000 ay lacagtaas jeebka ku shuban jireen Wasiir Beileh, Wasiirada Ganacsiga ,Wasiir Omaar oo ah Gaddidka cirka iyo Dhulka. Howshaas waxaa maamuli jiray howlwadeenno Airport fadhiya Wasaarada Maaliyada iyo Xildhibaan aad ugu dhaw Wasiir Beileh oo inta badan lacagtaas maamuli jiray.

    Ganacsatada Somaaliyeed oo culeys badan ku qabay 10 xirnmo oo dheeraadka ah si qasab ah laakiin aysan shaqo ku lahayn laakin ay qarin jireen si ganacsiga inta kale ugu socdo. Ganacsatadii waxay ahaayeen dad la baado oo dhowr mar lacag tabaruc xoog looga qaaday. Waxaa lagu xasuustaa inay bixiyeen lacag $1Million oo gargaari ah xiligii Dawladii Xasan Sheikh iyo marar kale boqolaal laga qaaday.

    Ganacstadii iyaga oo daruufo adag ku jiray ayaa markii Dowladda FARMAAJO timid ayaa waxaa lagu sameeyay in gebi ahaanba laga joojiyay qaadkii ay ka keeni jireen KenyaπŸ‡°πŸ‡ͺ waxaana loo wareejiyay qaadkii iyo diyaaradihii waddanka Ethiopia πŸ‡ͺπŸ‡Ή iyada oo Qandaraas qaas ah lagu siiyay wiil la dhashay Madaxweyne Farmaajo oo la yiraahdo XASSAN FARMAAJO oo license Qaadka laga siiyay Wasaarada Ganacsiga sidoo kale waxaa la amray Wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka oo waxaa la faray in bil walba XASAN FARMAAJO lagu wareejiyo $900.000.

    XASAN FARMAAJO mar aan la xiriirnay oo aan dooneynay inaan wax ka weydiino wuxuu nagu yiri. Aniga maxaa ikiin tusay oo aad ka hadashaan Dawlada inteeda kale.

    Wuxuu raaciyay in Madaxweynihii hore ee XASAN SHEIKH walaalkiis oo Ganacsada aha CALI SHEIKH uu qandaraasyo qaadan jiray. Sidaa darteed uu isaguba xaq u leeyahay inuu qaato wax walba oo ganacsi ah yahay muwaadiin Somaaliyeed. Intaas ka dib ayaa waxaa lagu yiri haddii qalad uu ahaa in Madaxweyne hore in walaalkiis qandaraas la siiyay adigu qaladkii miyaad qalad ku saxeysaa. Tan kale ninka la dhashay Madaxweynihii hore kama qaadin Qaadka gabacsatadii heysatay laakiin adigu waxaad kala wareegtay ganacsiga Qaadka 22 Shirkadood.

    Waxan la xiriirnay Wasiirka Maaliyada Beileh iyo Wasiirka Gaadiidka intaba nooma suuragelin inay nala hadlaan sidoo kale Wasiirka Ganacsiga oo inoo suuragelin laakiin aan aragnay License ama ruqsadii ganacsiga Qaadka ee XASAN FARMAAJO oo aan ku daba joogno inaan copy helno oo aan idiin la wadaagi doono marka xiga haddii uu Allaha idmo.

    Somalia πŸ‡ΈπŸ‡΄ Ha Noolaato.
    Somali Watchdog. January 3, 2021

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Rival Foreign Powers Accused of Fueling Propaganda War Targeting Puntland

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.