Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilmo iska soo ridida oo laga mamnuucay Maraykanka
    A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag
    Somalia

    Ilmo iska soo ridida oo laga mamnuucay Maraykanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 25, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxakmadda Sare ee Mareykanka ayaa maanta oo Jimca ah baabi’isay sharci ay horey u ayiday oo dumarka Mareykanka u ogolaanayay inay ilmaha iska soo xaaqi karaan, waxaana sharcigaas oo loo yaqiinay Roe v. Wade uu Mareykanka sharci ka ahaa tan iyo sanadkii 1973kii.

    Waxa uu ka mid yahay sharciyada ugu muranka badnaa ee sida weyn u saameeya ololayaasha siyaasadda iyo doorashooyinka dalkan.

    Sagaalka Qaadi ee Maxkamadda Sare ayaa go’aankan ugu codeeyay, ayaa lix ka mid ah oo sharcigan in la’aalo ogolaaday, hlaka saddexda kale ay diideen.

    Go’aankan ayaa sidoo kale siinaya gobolada Mareykanka inay sharciyo u gaar ah oo arintan ilma iska soo ridista la xiriira sameysan karaan.

    Ku dhawaad kala bar gobolada Mareykanka ayaa la filayaa inay mamnuucaan ilma-iska soo tuurka. iyagoo ka shidaal qaadanaya go’aankan ay gaartay Maxkamadda Sare.

    Mid ka mid ah qareenaddii muxaafidka ahaa ee sharcigan laalay Samuel Alito, ayaa yiri “aqlabiyadda ayaa sharcigan meesha ka saartay”

    Waxaa kaloo go’aankan u codeeyay shan qaadi oo kale oo muxaafid ah oo uu ku jiro ninka ugu sareeya Maxkamadda John Roberts.

    Sadexda qaadi ee siyaasadoodu furfurantahay ayaa durba naqdiyay go’aankan, taasoo dhalisay in kuwa la fikirka ah ay dibad-baxyo ka hor ogaan dhismaha Maxkamadda Sare ee magaaladan Washington.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.