Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imaaraadka oo loo sii daayay Lacagtii sharcidarada looga haystay
    Somalia

    Imaaraadka oo loo sii daayay Lacagtii sharcidarada looga haystay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 19, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sii deysay lacag gaareysay 9.6 milyan oo dollar oo ay dowladdu horey ugala wareegtay Imaaraadka Carabta bishii April sanadkii 2018-kii.

    Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay laheyd Imaaraadka ayaa heyโ€™adaha sirdoonka Soomaaliya ay qabteen, waxaana ayna sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

    Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaasi xilligii ay qabaneysay u sababeysay inay sharci darro kusoo gashay dalka, laakiin Imaaraadka ayaa ku sheegay inay aheyd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.

    Raโ€™isul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii deyn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

    Lacagtan ayaa la sheegay in maanta uu u qaaday Imaaraadka Raโ€™isul Wasaare Rooble iyo wafti uu hogaaminayo oo howlo shaqo ugu baxay Imaaraadka.

    Imaaraadka ayaa howlgal uu ka billaabay Soomaaliya 2014-kii ku tababaray kumanaan ciidamada dowladda, waxa uu Muqdisho ka dhisay xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbital ay gacanta ku hayeen.

    Sidoo kale waxay taageero siin jireen ciidamada Puntland ee la dagaalanka burcad badeedda, balse waxaa howlihii ay Soomaaliya ka hayeen ay badankooda hakiyeen markii lacagtaasi lagala wareegay ee khilaafka dowladda kala dhaxeeya uu gaaray meel xun.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.