Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Imisa lacag ah ayuu qaadanayaa dalka ku guulaysta Koobka Adduunka?
    Somalia

    Imisa lacag ah ayuu qaadanayaa dalka ku guulaysta Koobka Adduunka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 18, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    FIFA ayaa lacag dhan 440 milyan oo dollar ugu talogashay Koobka Adduunka 2022 ee ka dhacaya Qadar. Lacagta ay ku bixisay Koobka Adduunka 2018 ayaa ahayd 400 oo milyan oo doollar, halka kii 2014 ay ku baxday 358 milyan oo dollar.

    Dalalka u qalma ka qeybgalka Koobka Adduunka

    Dalalka u qalmay inay ka qeyb galaan Koobka Adduunka 2022 ayaa midkiiba la siiyay lacag dhan 2.5 milyan oo doollar si ay u diyaar garoobaan.

    Dalalka ku hara heerka group-yada

    Dalalka cayaaraha ka qeyb gala balse ku hara heerka group-yada ayaa la siiyaa 9 milyan.

    Wareegga 16

    Dal walba oo u soo gudba wareegga 16 ayaa qaadanaya 13 milyan oo doollar, iyo lacagtii uu ka soo qaatay group-yada.

    Rubuc-dhammaadka

    FIFA ayaa sidoo kale 17 milyan oo doollar ugu talo gashay dal walba oo u soo gudba rubuc-dhammaadka cayaarta.

    Nus-dhammaadka

    Dal walba oo u soo gudba nus-dhammaadka ayaa la hoyanaya lacag intaasoo dhan ka badan. Balse booska uu dalkaasi ka galo nus-dhammaadka ayaa go’aaminaya inta lacag ee la siinayo.

    Booska afaraad, waxay kooxdu la hoyaneysaa 25 milyan oo doollar
    Booska saddexaad waxaa lagu bixinayaa 27 milyan oo doollar
    Kooxda kaalinta labaad gasha ayaa qaadaneysa 30 milyan oo doollar
    Halka kooxda ku guuleysata Koobka Adduunkana ay la hoyaneyso 42 milyan oo dollar.

    Abaal-marinnada kale ee Koobka Adduunka

    FIFA ayaa abaal-marinno kale ugu talogashay Koobka Adduunka. Koob dahab ah ayaa la siinayaa kooxda ku guuleysata koobka.

    Kooxaha soo gala kaalmaha labo iyo saddex ayaa la siinayaa koob bir ah.

    Waxaa sidoo kale qalab cayaaraha la siinayaa kooxda kaalinta koowaad gasha. Sidoo kale waxay FIFA bixineysaa shahaado heerka diploma ah.

    BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.