Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digtay In ay U Soo Safraan Ama Joogaan Soomaaliya
    Somalia

    Ingiriiska Oo Muwaadiniintiisa Uga Digtay In ay U Soo Safraan Ama Joogaan Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 25, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth ee dalka Ingiriiska ayaa kula taliyey muwaadiniintooda in aaney u soo safrin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
     
    Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in muwaadiniinta hadda jooga gudaha Soomaaliya isaga soo baxaan goobaha uu ka digay Xafiiska arrimaha dibadda iyo Commonwealth, Hargeysa iyo Berbera xataa qofkii aan ku qasbaneyn waa in ay ka baxaan.
     
    Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee taga Hargeisa iyo Berbera waxaa iyagana lagu taliyay inay la socdaan warbaahinta maxaliga ah, in aaney tagin goobo isu soo bax ka socdo, isla markaana ka fogaadaan sawirada.
     
    Qoraalka waxaa lagu sheegay in argigixisada ay weerarro ku qaadi karaan dhammaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay afduub ka fulin karaan goob walbo oo gudaha Soomaaliya ah oo ay Somaliland ku jirto. Waxa ay argigixasada u hanjabeen reer galbeedka iyo shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya hey’adaha reer galbeedka. Waana hanjabaad ay si joogta ah ula kulmaan reer galbeedka ku sugan gudaha Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland.
     
    Sida qoraalka lagu sheegay, argigixisada uma meel dayaan weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, waxa ay weeraraan goobaha la isugu yimaado, xafladaha ay mas’uuliyiinta dowladda joogaan, ajaanibta iyo Hoteellada.
     
    Waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in ay jiraan khatar weeraro ka dhici kara biya Soomaaliya gaar ahaa gacanka Cadan iyo Badweynta Hindiya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.