Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran oo shaacisay inay weerar la beegsatay xarun muhiim u ah’ Israel
    Somalia

    Iran oo shaacisay inay weerar la beegsatay xarun muhiim u ah’ Israel

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaalo ku beegsadeen “xarun istaraatiiji ah” oo Israel ay ku leedahay Iraq kadib markii mas’uuliyiinta Kurdish-ka ay ku warrameen weerar gantaallo oo ka yimid xuduudda.

    “Xarun istaraatiiji ah oo loogu talo-galay shirqoollada iyo xumaanta Sahyuuniyadda ayaa waxaa gantaallo la hagayey oo xooggan ku beegsaday Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay Sepah News, oo ah website-ka rasmiga ah ee Ilaalada.

    Goor sii horeysay, ciidamada ammaanka gobolka Kurdistan ee Iraq ayaa sheegay in “toban gantaal oo ballistic” ah lagu beegsaday magaalada waqooyi ee Arbil, oo ay ku jiraan xarumo Mareykan, kuwaas oo sababay waxyeello, balse aan gaysan khasaare xooggan.

    Weerarkn oo saaka aroortii horey ka dhacay magaalada Arbil ayaa yimid toddobaad kadib markii laba sarkaal oo ka mid ah Ilaalada Kacaanka lagu dilay weerar loo tiriyey Israel oo ka dhacay Syria.

    Iraq, oo uu ka mid yahay gobolka Kurdistan, ayaa xarun u ah ciidamada Mareykanka ee hoggaamiyey isbaheysigii la dagaalamay kooxda Daacish. Mareykanka ayaa xulufo weyn la ah Israel.

    Ilaalada Kacaanka ayaa Talaadadii ka digay in Israel “ay bixin doonto qiimaha dambiga ay gashay.”

    Bayaanka ay maanta soo saareen Ilaalada ayaa lagu yir “Waxaan mar kale maamulka dambiilaha ah ee Sahyuuniyadda uga digeynaa in waxyeelo kasta oo lagu celiyo ay wajihi doonto jawaabo adag, xanuun badan oo burbur leh.”

    “Waxaan sidoo kale u xaqiijineynaa qaranka Iran in ammaanka iyo nabadda dalka uu khad cas u yahay ciidamada hubeysan ee Iran, oo aysan u ogolaan doonin in cidna ay halis geliso ama weerarto.”

    Washington ayaa inta badan weerarada gantaallada iyo Drone-ka ee l la beegsado danaheeda Iraq ku eedeysa kooxha Iran ee taageerto ee dalbanaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.