Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Iran”Daaraha Dhalada ah Ee Sacuudigu waa dumi doonaan”
    Somalia

    Iran”Daaraha Dhalada ah Ee Sacuudigu waa dumi doonaan”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka sirdoonka Iran ayaa u sheegay Arbacadii in waddanka ay xafiiltamaan ee Sacuudi Carabiya in aanu sii jiri doonin dammaanad qaadka Tehraan ee ku aaddan “samirkeeda istiraatiijiyadeed,” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Fars.

    “Ilaa hadda, Iran waxay qaadatay dulqaad istiraatijiyadeed oo macquul ah, laakiin ma dammaanad qaadi karto inaysan dhammaanayn haddii colaaddu sii socoto,” ayay qortay Fars oo soo xiganeysa Esmail Khatiib, wasiirka sirdoonka ee Iran.

    “Haddii Iran ay go’aansato inay ka aargoosato oo ay ciqaabto, daaraha dhalooyinka ah ayaa dumi doona, dalalkani ma heli doonaan xasillooni dambe.” ayuu yiri Khatiib.

    Iran ayaa ku eedaysay waxay ugu yeertay ‘cadaw ajaanib ah’ inay hurinayaan qalalaasaha rabshadaha wata tan iyo markii ay boolisku gacanta ku dhigeen haweenay Kurdish ah oo Iran u dhalatay oo lagu magacaabo Mahsa Amini bishii Sebtembar kadib markii la xiray iyada oo lagu eedeeyay inay jabisay xeerka adag ee jamhuuriyadda islaamiga ah ay kusoo rogtay haweenka.

    Mudaaharaadyada ay dhigayaan dadka reer Iran ee ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa noqday mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee soo wajaha hoggaamiyayaasha wadaaddada Iran tan iyo sannadkii 1979-kii kacaankii Islaamiga ahaa.

    Bishii la soo dhaafay, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran, Hossein Salami ayaa uga digay Sacuudiga inay xakameyso xarumaha warbaahinta.

    โ€œWaxaan u digayaa qoyska Sucuudiga xukumaya.. ka fiirsada hab-dhaqankiina oo xakameeya war-baahinta…haddii kale waad ka shaleyn doontaan, waana digniintii ugu dambaysay, waayo waxaad aad faragelinaysaan arrimaha dawladdeenna adinka oo adeegsana warbaahin, waan idiin sheegeynaa, taxaddar,โ€ ayuu yiri Salami, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Iiraan.

    Todobaadki hore Iran ayaa beenisay inay halis ku tahay Sacuudiga kadib markii wargeyska Wall Street Journal uu sheegay in Riyad ay la wadaagtay sirdoonka Mareykanka digniin ku aadan weerar ka imaan kara Iran oo lagu bartilmaameedsanyo Boqortooyada.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.