Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Isbedalka DDSI iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran (Qormo Xasaasi Ah)!.WQ.Caalim
    Somalia

    Isbedalka DDSI iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran (Qormo Xasaasi Ah)!.WQ.Caalim

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 28, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Isbedalka DDSI iyo waxyaabaha dahsoon ee ku xeeran (Qormo Xasaasi Ah)!
     
    Fallanqeyntaan kooban ayaa jeclahay inaan wax yar kaga iraahdo isbedallada siyaasadeed ee hareeyay dalka Itoobiya, gaar ahaanna arrinta Qawmiyada somaliada
     
    Maxaa keenay in la xiro Cabdi Max’ed Cumar?
     
    Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.
     
    Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.
     
    Sida ifafaalaha wax u socdaan laga kororsan karo waxaa weeye in Itoobiyada maanta ay heyso dhabbe colaado daba dheeraan kara kuwaasoo ka dhaca gudaha dalkaasi. Waxaa soo muuqdey astaan cabsi leh. Marka aad daawato waxa ka socda magaalada jigniga.
     
    Taariikhda Itoobiya, marka dib loo raaco durba waxaa fahmi karaynaa in dagaal dhaca joojintiisa ay aad u adag tahay sababtoo ah colaadda qowmiyaddaha ma ahan wax si sahal ah lagu dhamayn karayo.
     
    Dadyoowga qaar ayaa siyaabo kale duwan ku macneynaya arrinka siyaasadaysan kaasoo suntan arrinka Shidaalka.
     
    Waxaana xusid mudan inuu jiro dagaal waqti dheer socday oo ka dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo tan uu ka soo jeedo Raysal wasaaraha Itoobiya ee Oromada.
     
    Waqtigani waxaa awooda Dawladda Faderaalka ah Qawmiyad ahaan xukunka Gacanta u galay Oromada waxay aaminsan yihiin in ay keensadaan dad la shaqeyn kara, isbedalka hadduu ku eg yahay Soomaali Galbeed waa mid uun la doonayay in meesha lagaga saaro MW hore Cabdi Maxamuud.
     
    Su’aasha isweydiinta mudan waxaa weeye, xukuumadda Abiy Ahmed ma waxay ciqaabeysaa Cabdi Maxamuud Cumar kaliya mise dhammaan dadkii xukunka Tigreega iyo Amxaarada gaboodfallada ku geystay mise Tigreega waa laga baqayaa, oo hubka iyo dhaqaalaha ay ka gurteen Itoobiya ayaan lagu maagi karin haatan?
     
    Haddii isbedalku macnihiisu yahay sidii Oromada ay u keensan lahayd Soomaali daacad u ah, waxa dhacay lama oran karo isbeddal ee dadka ku nool Soomaali Galbeed waxay wajaheen xaalad ah “GOD KA GUUR OO QANJA U GUUR”!
     
    Waa sababta Jigjiga Millateriga Itoobiya u weerareen iyadoo horay qowmiyadda Soomaalida ay u maqnayd xuquuqdooda oo la yiri shidaalka dhulkooda laga helay waxaad ka leedihiin 5% taasoo noqota amakaag.
     
    Waxaan ka Danjire ahaan doonayaa inaan cabbiro xiisaha weli aan saldhigan ee siyaasadda suntan waxa ka imaan kara haddii aynaan joogsan.
     
    Dhowr caqabado oo xalkoodu berri adkaan karo ayaa ka dhalanaya sida ay wax u socdaan marka laga eego waxaana weeye:
     
    1-Colaadda qowmiyadaha oo cirka isku shareerta.
     
    2- Dhaqaale xumo ka dhacda Soomaali Galbeed iyo guud ahaan Itoobiya.
     
    3- Xasuuqii lagu hayay umadda Soomaaliyeed inuu xadka dhaafo.
     
    4- In Dhul hor leh laga sal kiciyo Soomaalida iyadoo Oromo doonaysa dhul ballaarsi.
     
    5- In kooxo diimeedyo hubeysan ay ka dillaacaan gudaha Itoobiya taasoo dhalinaysa amni darro wadanka oo dhan.
     
    6- In la waayo qof u dooda xaqa Soomaalida kaga maqan xukuumadda Abiy.
     
    7- Iyo in Soomaali Galbeed ay dad badan ka qaxaan arrintaasoo noqonayn tii ugu horreeysay balse nasiib darro kale ay tahay.
     
    Waxaan wada og nahay Qawmiyadda saddexaad ee ugu badan wadanka Itoobiya inay tahay Soomaali, waxaana jirta cabsi badan oo laga qabo waana taas sababta xasuuqyo badan ay kaga dhaceen gudaha DDSI.
     
    Caqabadaha aan soo xusay waxaa lagaga hortagi karaa iyadoo Raysal wasaare Abiy Ahmed uu ka dhabbeeyo ballanqaadkiisa xuquuqda shaqsiga islamarkaana cadaalad ay wada helaan dhammaan qowmiyadaha Itoobiya ku nool.
     
    Sababtu waxaa weeye haddaanan xal loo helin saameynta ka dhalan karta waa ay soo gaaraysa gudaha Soomaaliya.
     
    Waxaa qoray: Danjire Hore Maxamed Maxamuud Nuur (Caalim), ah aqoonyahan iyo siyaasi darsa siyaasadda waddamada gobolkani Afrika, islamarkaana ku nool dalka Finland.
     
    Email: Caalim68@hotmail.com
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.