Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»ISBEDELLO ISBARKADAY AYAA SABABAY DHAQAALA XUMIDA SOOMAALIYA (PUNTLAND): Q-2aad
    Puntland

    ISBEDELLO ISBARKADAY AYAA SABABAY DHAQAALA XUMIDA SOOMAALIYA (PUNTLAND): Q-2aad

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 6, 2024No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    W/Q: Maxamed Axmed Xasan(Mucaarad)

    Todobaadkii hore waxan faallo Cinwaankeedu ahaa: ISBEDELLO ISBARKADAY AYAA SABABAY DHAQAALA XUMIDA SOOMAALIYA, oo ku eegnay Sababaha iyo qayb kamid ah xalalka.

    Todobaadkan waxa qormada 2aad ku eegayaa Calaamadaha tusaya Dhaqaale xumida ka jirka dalka, iyo talooyin guud.

    Si guud Calaamadaha tusa dhaqaale xumida waxa ka mid ah maalgashi La,aanta, Waxsoosaar yarida, Shaqo l,aanta, Sicir bararka, iyo iib yarida midkood ama iyaga oo isbaahaystay, dhibaatooyinkaaas oo ah kuwa midba mid sababo ayaa dalka Si xoog leh uga jira.

    Maalgashi Shisheeye maba jiro Puntland waayo caqabado badan baa hortaagan, haseyeeshee Maalgashiga guduhu waa suurtagal, waana yaryahay, Waxa sanad walba suuqa ka baqa maalgashadayaal waddani ah, waayo wexey cabsi ka qabaan khataraha aan la saadaalin karin ee ka jira Suuqyadeenna.

    Waxa jira kuwa khatarta u bareera oo madaxmadax u gala suuqa, ka bilaaba ganacsiyo yaryar, isla markaana dedeg uga baxa suuqa, Dhiirrigelin la,aan, Shuruuc la,aan, iyo weliba sahmin la,aanta ka jirta suuqa Ganacsiga.

    Jariidada focus economics layiraah ayaa qortay in soomaaliya ay tahay dalka tusaalaha u ah waxsoosaar yarida aduunka duruufaha colaadeed iyo kaalinta dowlad oo aad u yar awgeed.

    Sidoo kale waxa yaraanaya shaqo abuurka, waayo waxa shaqo abuurka ugu badan sameeya Ganacsiyada yaryar, waxana badanaya shaqo la,aanta, tan waxa sababa dhaqaalaha Oo aan martigelin karin Shaqaale cusub, kuwa horena sii haysan karin.

    Sicir bararka Dalka aad baa loogu wareeray qormadii horena waxa tusaalaynay dhinaca Lacagtaha, hayeeshee tan halmeel ayaan idinka tusaya dhinaca sicir bararka ay keentay Kharashka badnaantu (Cost- Push inflation ) waxa kharashaadka kor usii kiciya Sicirka Alaabada, qaaliyeeya adeegyada asaasiga ah, tusaale shidaal qaaliya ah, cashuur qaali ah, iyo wax soo iibsi qaali a ayaa sababa in Alaabto aad u qaaliyowdo.

    Sidoo kale IIB yarida waxa keenay Maciishadda qaaliyowdey, iyo Shaqo l,aanta oo sababtay dakhli yari.

    Iib yaraantu waa arin soo shaac baxday Lana doonayey in Dowladdu daraasad ku samayso waxa sababay, xataa mardhoofka xoolaha oo saamayn ku leh dakhliga guud ee dowladda wuxu ku xiranyahay Hadba sida Shisheeyuhu Go,aamiyaan halka la doonayey inaan inaku u suuq doono, Taladana Dhoofintana inaku yeelanno.

    Dowladda Puntland Horay ayey u qirtay in dhaqaale xumo ka jirto dalka, iyo Deegaanadeedaba oo wasiirka arimaha Gudaha ayaa 16 bisha 3aad ee sanadkan xusay.

    Sidoo kale, 17 Bisha 3aad ee sanadkan Dowladdu magacawday Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland, kuwaas oo la amray iney muddo 2 bilood gudahood ah qiimayn iyo talo bixin kasoo sameeyaan horumarinta Xoola dhiifinta ee Puntland, kaabayaasha ganacsiga, iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland. si looga bixi lahaa dhibaatada dhaqaale xumo ee jirta.

    Guddigaas lama hayo, Warbixintoodii, hadii ay keeneenna miro dhal ma noqon.

    Ugu dambayn, waxan kula talinaynaa Xukuumadda Puntland Iney garawsato Duruufaha jira, maanta Soomaaliya ma aha meel lagu murmo Dhib waa jiraa iyo ma jiro, waxa cusub waa Dhibaatooyinkii jirey isbiirsaday, ee Shacabka Puntland waa kuwa adkaysi badan.

    Xukuumadda Puntland waa iney daraasad talo raac noqoto ama talo keen noqoto, Talo raac noqoto oo Saamileyda siyaasadda iyo aqoonyahanka la tashato, ama Talo keen noqoto oo soo bandhigto warbixino iyo daraasaddo si loo ogaado dhibka jira, Inta uu le,egyahy, sababaha, markaana xalka la keeno.

    Xukuumadda Puntland u shaqayn mayso ismaahinta iyo Asasaarku, puntland maanta waxa jira Xisbiyo Siyaasadeed waxana jira wacyi Dhallinyaro.

    ISBEDELLO ISBARKADAY AYAA SABABAY DHAQAALA XUMIDA SOOMAALIYA (PUNTLAND):  Q-2aad 

    W/Q: Maxamed Axmed Xasan (Mucaarad)

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.