Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Isbitaalka Guud Ee Garowe oo dib ucasriyay ln lagu sameeyay
    Puntland

    Isbitaalka Guud Ee Garowe oo dib ucasriyay ln lagu sameeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 23, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MADAXWEYNAHA OO XARIGA KA JARAY ISBITAALKA WEYN EE GAROOWE OO DIB-U-DHIS IYO QALABEYN LAGU SAMEEYAY.

    Garoowe: 23 september 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth, ayaa xariga ka jaray Isbitaalka weyn ee Garoowe oo dib-u-dhis , ballaarin iyo qalabeyn casri ah lagu sameeyay.

    Ballaarinta iyo dib-u-dhiska Isbitaalka weyn ee Garoowe waxaa iska kaashaday Dowladda Puntland iyo Dowladda Germany oo adeegsanaysa Hay’adda UNICEF, waxaana lagu soo kordhiyey Isbitaalka qalabka qaliinka casriga ah, qeybta xaaladaha deg dega ah , qeybta Hooyada iyo dhallaanka oo leh dhalooyinka caruurta lagu koriyo iyo qeybta bukaan socodka ee Isbitaalka.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyey muhiimada ay leedahay horumarinta lagu sameeyay Isbitaalka oo waxbadan ka dabooli doonta baahida caafimaad ee loo aadi jiray dalka dibediisa, wuxuuna ku boggaadiyey shaqada wanaagsan ee qabsoomtay Wasaaradda Caafimaadka, Masuuliyiinta Isbitaalka, Shirkadda dhistay , Dowladda Germany oo ka taageertay Puntland ballaarinta iyo qalabeynta Isbitaalka iyo Hay’adda UNICEF oo fududeysay.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Safiirka Dowladda Germany ee Soomaaliya Ambassador Sebastian Groth, Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada Garoowe, Masuuliyiinta Caafimaadka, Hay’adda UNICEF, Maamulka Isbitaalka weyn ee Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/09/AQOyI26SvV4gRWRaR7wGLuRgOlcY0EgzTipFwzEgMVpVadEqLjkxuLJatMFgBd0oRgQtBEQr4pWimGH5EwsKuXpC.mp4

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.