Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Isticmaalka dhalinyarada Ee Facebook oo hoos udhacday
    Somalia

    Isticmaalka dhalinyarada Ee Facebook oo hoos udhacday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Daraasad ay samaysay xarunta cilmi-baarista ee Pew Research,ayaa lagu ogaaday in toddobadii sano ee ugu dambaysay inuu hoos u dhacay isticmaalka Facebook ee dhalinyarada Maraykanka ah, iyaga oo taas bedelkeeda u wareegay inay isticmaalaan baraha bulshada ee Youtube iyo Tiktok.

    Tiktok oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa haatan kaalmaha ugu sarreeya kaga jira, baraha bulshada ee ay isticmaalaan dhalinyarada Maraykanka ahi, halka shabakadda Youtube ay tahay goobta ugu badan ee dhalinyaradaasi ay ku wadaagaan muuqaallada iyo macluumaadka ay baahinayaan.

    Xogta ay soo bandhigtay Pew ayaa ku soo aadaysa xilli uu isku dayayo mulkiilaha shirkadda Facebook, inuu la yimaaddo aragti uu iskaga dhicinayo shirkadda Tiktok ee kala wareegtay macaamiishiisii baraha bulshada, isaga oo raba inuu ilaashado saamaynta uu leeyahay si uu u helo xayaysiiska uu ka sameeyo balaayiinta dollar.

    Warbixinta ay soo bandhigtay Pew Research ayaa lagu sheegay in dhalinyarada la waraystay ay 95% sheegeen inay isticmaalaan Youtube, halka 67% ay leeyihiin Account Tiktok ah.

    Kaliya 32% dhalinyarada la waraystay ayaa sheegay inay galaan ama isticmaalaan Facebook – taasoo muujinaysa hoos u dhac aad u weyn, marka la barbardhigo, xog ururin la sameeyey toddoba sano ka hor, taas oo muujinaysay in dhalinyarada Maraykanka ah ee isticmaasha Facebook inay gaadhayaan illaa 71%.

    Facebook ayaa haatan dhalinyarada qaarkeed u arkaan goob loogu talo galay dadka waaweyn, halka dhalinyaradu ka doonayaan inay baraha bulshada ku wadaagaan muuqaallo iyo sawiro.

    Qiyaastii 62% dhalinyarada Maraykanka ah ee la waraystay ayaa sheegay inay isticmaalaan Instagram, oo ay leedahay shirkadda Meta ee Facebook, halka 59% ay sheegeen inay isticmaalaan Snapchat.

    Warbixintan ayaa lagu waraystay illaa 1,316 dhalinyaro Maraykan ah oo da’doodu u dhexeyso 13 jir illaa 17 jir, taaso la waraystay intii u dhexeysay April illaa horraantii bishii May ee sannadkan 2022.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.