Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ISWAAFAJI LA’AANTA QORSHAHA PL EE 2017-2019 IYO BAAHIYAHA KA JIRA DALKA ??
    Somalia

    ISWAAFAJI LA’AANTA QORSHAHA PL EE 2017-2019 IYO BAAHIYAHA KA JIRA DALKA ??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Marka aad akhrido qorshaha dowladda Puntland u dejisay dalka 2017-2019, waxaa kUu soo baxaya, in dadka diyaariyey ay yihiin kuwo aan la socon baahiyaha dalka ka jira oo qurba joog u badan.

    Waa su’aal ku soo noq noqota maskaxda dad badan oo aqoon u leh qiimaha qorshuhu u leeyahay Jiritaanka iyo horumarka dowladnimo ee dalka kasta adduunka ?

    Puntland oo 21 sano jirsatay waxay ku socota waddo aan la xaqiijin karin inay waafaqsan tahay qorshaha dowladuhu u sameeyaan dalalkooda si ay u hormariyaan .

    Qorshahana micnihiisu wuxuu yahay meesha aad joogto inaad horay uga dhaqaaqdo, iyadoo qorshuhu u qaybsamo:

    1) Qorshe fog oo 10 sano loo dejiyo sida dowladaha waa weyn oo kale adduunka.

    2) Qorshe dhexe oo ilaa shan sano loo dejiyo barnaamijyada horumarineed ee laga fulinayo dalalka higsanaya Hor-u- dhaqaqa

    3) Qorshe kooban, oo gaaban oo ku salaysan arrimo deg deg ah oo wax lagaga qabanayo xaalado soo dersay oo duruufo keeneen, sida Wadada Garowe- Bosaso, oo roobabkii dayrtu burburiyeen 6 bilood ka hor oo qorshe la;aan wax looga qaban waayey ilaa hadda, is-gaarsiinta dalkana dhib weyn ku haysa.

    BARNAAMIJKAAS kooban, oo sahlan, haddii maskaxda laga shaqaysiiyo si fudud oo deg deg ah oo kharash yar wax looga qaban karo Sida :-

    In wax ka qabashada wadada loo qorsheeyo qaab iskaa wax u qabso ah oo ay ka qayb geli karaan dadweynaha iyo degmooyinka wadadu dhex marto. taaso u suura gelinaysa madaxda dowladda Puntland oo ay ugu Horreeyaan Wasaaradaha shaqadoodu tahay jidadka inay si toos ah u keenaan qorshaha ugu fudud oo iskaa wax u qabso ah oo wadadaas deg deg loogu dayactiri karo, inkasta oo ay meelaha qaybtood wadadu u baahan tahay khibrad, naqshad iyo aqoon la xiriirta qaabka Buundooyinka ay Talyaanigu qaldeen loo sixi karo.

    Ma shisheeyaan ka sugaynaa inay wadada noo dayactiraan ? inagoo kumanaal dollar siinayna Jubbland iyo meelo kale oo dalku uga baahi badan yahay in wax lagaga qabto horumarkiisa,

    Amase Heshiisyada la sheegayo in lala galay dalal carbeed dakhliga laga qaadanayo in si deg deg ah loogu jiheeyo Barnaamijkaas muhiimka u ah isku xirka is-gaarsiinta dalka iyo jiritaanka Puntland waa muhiim.La soco Cadadka xiga

    Xigasho: Wargayska kaaha bari

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.