Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya oo Bilaabeysa in ay Koronto ka Dhaliso Biyo-xireenka Nile
    Somalia

    Itoobiya oo Bilaabeysa in ay Koronto ka Dhaliso Biyo-xireenka Nile

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 19, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ethiopia ayaa Axadda berri ah bilaabeysa in ay koronto ka dhaliso biyo-xireenkeeda muranka badan dhaliyay ee wabiga Nile-ka Buluuga, sida ay saraakiil ka tirsan dowladda u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

    Biyo xidheenkan oo lagu magacaabo Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) oo noqonaya mashruucii ugu waynaa ee koronto laga dhaliyo ee ku yaalla Africa ayaa udub dhexaad u ahaa khilaaf ka taagnaa gobolka tan iyo markii ay Ethiopia dhaqaajisay dhismaha biya-xireenkan sanadkii 2011-kii.

    Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay AFP Sabtida maanta ah in berri la bilaabi doono in tamar laga dhaliyo biya-xireenka.

    Sarkaal labaad ayaa isna xaqiijiyay warkan. Labada sarkaal ayaa hadlay iyagoo diiday in magacooda la adeegsado maadaama guushan aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

    Waddamada uu u burqado wabiga Nile ee Masar iyo Sudan ayaa u arka biyo-xireenka mid khatar ah, sababtoo ah waxa ay ku tiirsan yihiin biyaha Nile, halka Addis Ababa ay u aragto in mashruucan uu muhiim u yahay tamarteeda iyo horumarkeeda.

    Mashruucan oo ku kacaya $4.2-Bilyan ayaa marka uu idlaado la filayaa in uu soo saaro in ka badan 5,000 oo megawatt oo koronto ah, taasi oo labanlaab ka badan wax soo saarka koronto ee Ethiopia.

    Ethiopia ayaa markii hore qorsheysay in ay biya-xireenka ka dhaliso qiyaastii 6,500 megawatts laakin markii danbe ayay dhintay yoolkaasi.

    β€œKorontada cusub ee laga dhaliyo GERD waxa ay gacan ka geysan kartaa dib u soo nooleynta dhaqaalaha ku burburay dagaalkii lagu hoobtay, kor u kaca qiimaha shidaalka, iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19,” ayuu yiri Addisu Lashitew oo ka tirsan machadka Brookings Institution ee magaalada Washington.

    Biyo-xireenkan ayaa ku yaalla webiga Niilka Buluuga ah ee gobolka Benishangul-Gumuz ee galbeedka Ethiopia, waana meel aan ka fogayn xudduudka Sudan.

    Buuxinta kaydka baaxadda weyn ee biya-xireenka ayaa bilaabatay sanadkii 2020, iyadoo Ethiopia ay ku dhawaaqday bishii July ee sanadkaasi in ay gaartay hadafkeedii ahaa in ay keydiso 4.9 bilyan mitir kuyuub (cubic meter) oo biya ah.

    Wadarta guud ee kaydka biya-xireenkan ayaa ah 74 bilyan oo mitir kuyuub, waxaana hiigsiga 2021-kii uu ahaa in la kaydiyo 13.5 bilyan.

    Bishii July ee sanadkii hore ayay Ethiopia sheegtay in ay gaartay halkii ay hiigsaneysay, taasi oo ka dhigan in biya-xireenku uu haysto keyd biyo oo ku filan in la bilaabo dhalinta ama soo saarista tamarta, laakin sheegashadaasi ayaa waxaa shaki geliyay qaar ka mid ah khubarada.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.