Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Itoobiya oo dhisan doonta Madaarka Diyaaradaha ee ugu weyn Afrika
    Puntland

    Itoobiya oo dhisan doonta Madaarka Diyaaradaha ee ugu weyn Afrika

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 15, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Ethopian Airlines ayaa shaacisay inay ka dhisayso Magaalada Addis Ababa Garoon diyaaradeed oo caalami ah, kaas oo noqon doona midka ugu weyn Qaarada Africa.

    Madaarka cusub, oo ku yaal agagaarka Magaalada Bishoftu, ee Koonfur-bari ee caasimadda Addis Ababa ayaa dhererkiisu yahay 35-KM oo laba-jibbaaran dhul ahaan, waxaana la sheegay inay ku baxayso 5 bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

    Madaxa shirkadda Ethiopian Airlines Group, Tewolde Gebremariam, ayaa sheegay inay dhammaystireen aragtidooda ku aadan qorshaha dhismaha garoonkan oo ah (2025), toddobo sano kahor.

    Gegada diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa ah mid kamid ah garoomada ugu mashquulka badan qaaradda Afrika, waxaana uu la kulmaya culeysyo badan, inkasta oo balaarin la sameeyay, sida uu sheegay Madaxa Ethopian Airline.

    Mr. Tewolde Gebremariam, ayaa intaas ku daray in loo baahan yahay garoon cusub si culeyska looga saaro buux-dhaafka, maadama uu kordheyo safarka ganacsatada.

    Shirkadda Ethopian Airlines oo haatan 7 sanno jirsatay ayaa kamid ah shirkadaha diyaaradaha ugu waa weyn Afrika, waxaana sanadkii tagay ee 2019, faa’iday dhaqaale dhan 4 bilyan oo dollar, iyagoo ka helay 12 milyan oo rakaab ah oo raacay iyo 432,000 tan oo xamuul ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.