Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Itoobiya oo si rasmi ah ubilowday dhoofinta awooda Korontada
    Somalia

    Itoobiya oo si rasmi ah ubilowday dhoofinta awooda Korontada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 19, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Itoobiya,ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.

    Tallaabadan ayaa timid kadib markii Itoobiya horraantii sanadkan ay ku dhawaaqday inay bilowday inay koronto ka dhaliso mashruuca biyo xireenka weyn ee ay ka waddo webiga Niil.

    Waaxda Korontada Itoobiya ee (EEP) ayaa sheegtay in khadka isku xira labada dal oo ay ku kacayso 500 milyan oo doolar uu awood u leeyahay inuu gudbiyo 2,000 megawatts, isla markaana uu soo saaro ilaa 100 milyan oo doolar sannadkii.

    “Waa mashruuc muhim ah oo ku wajahan in wax laga beddelo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Kenya ee dhinacyada badan leh,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Safiirka Itoobiya ee Kenya Bacha Debele Jimcihii.

    Hay’adda Shidaalka iyo Tamarta ee Kenya (EPRA) ayaa xaqiijisay inay Khamiistii bilowday inay koronto ka keensato dalka Itoobiya.

    Itoobiya ayaa markii ugu horreysay biloowday inay koronto ka dhaliso biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam ee ku yaal webiga Blue Nile bishii Agoosto, waxayna bishii Ogosto ku dhawaaqday in marawaxadaha labaad ay bilaabeen inay soo saaraan koronto.

    Mashruucan oo ku kacaya 4.2 bilyan oo dollar, kaas oo ka careysiiyay dalalka dariska ah ee Suudaan iyo Masar, ayaa ugu dambayntii la filayaa in laga dhaliyo in ka badan 5,000 oo megawatts oo koronto ah, taas oo ka badan laban-laab midda wax soo saarka Itoobiya ee hadda.

    Itoobiya ayaa horeba Korontada uga iibinaysa Suudaan iyo Jabuuti, waxayna heshiisyo is-afgarad ah la saxeexatay Koonfurta Suudaan, Tanzania iyo maamulka Somaliland, sida ay sheegtay waaxda korontada Itoobiya ee EEP.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.