Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»J.Kenedy”Muqdisho way ka amaan badan tahay Newyork”
    Somalia

    J.Kenedy”Muqdisho way ka amaan badan tahay Newyork”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mid ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee dalka Mareylkanka ayaa isagoo ka fal celinaya hadallo uu khudbad ku jeediyay madaxweyne Biden waxa uu isbarbar dhig ku sameeyay magaalooyinka Muqdisho iyo New York.

    Si la mid ah siyaasiyiinta kale ee xisbiga Jamhuuriga ee daawanayay khudbaddii uu madaxweyne Biden jeediyay Arbacadii, taasoo uu shaaca uga qaaday dhowr mashruuc oo isaga iyo xeel ilaaliyihiisa guud, Merrick Garland, ay aaminsan yihiin inay gacan ka geysan doonaan yareynta dambiyada hubka, ayuu Senator John Kennedy madaxa ruxay isagoo muujinaya inuusan ku qanacsaneyn arrimahaas.

    Waxa uu kasoo hor jeestay hadallada uu Biden ku sheegay in qorshihiisa uu xal u noqon doono ku dhaqanka shuruucda hubka ee “Magaalooyinka deriska la ah caasimadda iyo gobollada ku dhow dhow”.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in ugu yaraan kalabar ka mid ah dambiyada hubka ee sare usii kacaya ay eeddooda leeyihiin magaalooyinka ay maamulaan xisbiga Dimiqraaddiga, sida Baltimore iyo Chicago.

    Hadallada madaxweynaha waxay u muuqdeen kuwo uusan u dul qaadan karin Mr Kenedy oo durbadiiba tagay warbaahinta Fox News, si uu uga fal celiyo.

    Hase yeeshee jawaabtiisa oo noqotay mid hadal heyn dhalisay ayaa ayay dadka qaar u arkeen ka badbadis, waxyaabaha uu sheegayna ay yihiin kuwo u baahan xaqiijin badan.

    Erayada uu sheegay wuxuu kusoo qaatay magaca magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

    “Aiga qof aan necbahay ma jiro,” ayuu yidhi Kennedy inta uu wareysiga socday. “Balse qof kasta oo madaxweynaha kala talinaya dhinaca dambiyada, mana garanayo qofka uu yahaye, balse qof kasta oo ah sirdoonkiisa wuxuu u muuqdaa ‘nacas.'”

    “Waxaan ula jeedaa, maxay tahay sababta ay Chicago u noqotay magaalada ay ka dhacaan toogashooyinka ugu badan adduunka?” ayuu yidhi.

    “Maxay tahay sababta haddii ay Muqdisho oo uga nabad wanaagsan tahay marka lagu dhex lugeynayo Magaalada New York?”

    “Madaxweynuhu wuxuu u muuqday inuu sheegayo in fal dambiyeedyada aysan sare u kicin,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.