Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jaamacadda Carabta oo ka gaabsatay Cambaareeynta Heshiiskii Imaaraadka carabta iyo Israel
    Somalia

    Jaamacadda Carabta oo ka gaabsatay Cambaareeynta Heshiiskii Imaaraadka carabta iyo Israel

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 10, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hogaamiyeyaasha Falastiin ayaa ku guuleystay in ay dib u cusbooneysiiyaan qadiyaddood dowladnimo ka dib kulankii arbacadii dhacay, laakiin waxay awoodi waayeen in ay xubnaha jaamacadda Carabta ka dhaadhiciyaan in la cambaareeyo heshiiska Isreal iyo Imaaraadka ee la saxiisay bishii hore.

    Wasiirada arrimaha dibadda Jaamacadda Carabta ayaa kulan ku yeeshay aaladda fogaan aragga, iyadoo madaxda Falastiin ay dabciyeen lahjaddooda ku aadan heshiiskii uu Mareykanku garwadeynka ahaa ee 13 August ay wada galeen Imaaraadka iyo Isreal.

    “Arrintan aad ayaa looga hadlay. Waxayna aheyd mid la isku fahmay inkastoo mararka qaar ay adkaanaysay. Laakiin ugu dambeyn la iskuma raacin in war-murtiyeedka lagu daro soo jeedinta Falastiin ,” sidaa waxaa sheegay ku xigeenka xoghayaha guud ee Jamacadda Hossam Zaki oo warfidiyeenka la hadlay.

    Heshiiska Imaaraadka iyo Isreal waxaa uu ahaa kii ugu horeeyay oo dal Carbeed uu la galo Yuhuudda muddo ka badan 20, wuxuuna abuurey hadal heyn badan guud ahaan dunida Muslimka.

    Falastiiniyiinta ayaa aad ugu walaacsan in tallaabada Imaaraadka ay wiiqi karto qadiyadda Falastiin ee muddada dheer soo taagneyd- taas oo loo yaqaano hindisaha nabadda Carabta oo dhigaysa in Isreal ay ka baxdo dhammaan dhulka ay xooga ku qabsaday dagaalkii 1967 isla markaana la yegleelo dowlad Falastiin leedahay.

    “Waxaan weydiisanay in si cad oo aan la leex leexad laheyn loo cambaareeyo cid kasta oo jabisa hindisaha nabadda Carabta balse waan gaari waynay,” wasiirka arrimaha dibadda Falastiin Riyad al-Maliki ayaa sidaa u sheegay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.

    Dhinaciisa, wasiirka arrimaha dibadda boqortooyada Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan al-Sacuud ayaa sheegay in Riyadh wali taageersan tahay hindisaha nabadda Carabta balse ma soo hadal qaadin heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

    Mareykanka, Isreal iyo Imaaraadka Carabta waxay madaxda Falastiin ugu baaqeen in ay dib u soo celiyaan wada xaajoodkii Isreal, la taliyaha sare ahna wiilka uu sodoga u yahay madaxweyne Trump Jared Kushner ayaa sheegay in Falastiiniyiintu looga baahan yahay in aysan ku dheganaanin wixii hore oo ay tahay waaqaca ay la noolaadaan.

    Wasiir Maliki ayaa heshiiska Isreal iyo Imaaraadka Carabta ku sifeeyay mid lama filaan ah isla markaana dhul-gariir siyaasadeed ku ah Carabta, isagoo xusay in kulankii deg dega ahaa ee Jaamacadda Carabta fashil ku dhammaaday.
    Laakiin wasiirku ma adeegsan ereyo adag oo ay kamid tahay ‘khiyaano’ taas oo madaxda Falastiin isticmaali jireen maalmihii hore ka dib heshiiska Imaaraadka iyo Isreal.

    Wasiiru dowlaha Imaaraadka Anwar Gargaash oo wareysi siiyay telefishinka al Carabiya ayaa sheegay in luuqada dhaleeceynta iyo cambaareynta ay keentay heshiis la’aanta kulankii shalay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.