Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Japan:-Ra’isalwasaare hore oo toogasho lagu dilay
    Somalia

    Japan:-Ra’isalwasaare hore oo toogasho lagu dilay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe ayaa ku geeriyooday isbitaalka maanta oo Jimce ah saacado kadib markii la toogtay isaga oo ku sugan goob uu ka socday olole doorasho, waxaa sidaas weriyey warbaahinta gudaha.

    Ayada oo soo xiganeysa xubin sare oo ka tirsan xisbiga Abe ee Liberal Democratic Party ayaa warbaahinta qaranka ee NHK waxay tiri “ra’iisul wasaarihii hore wuxuu ku dhintay isbitalka magaalada Kashihara ee gobolka Nara, halkaasi oo lagu daweynayey. Wuxuu ahaa 67 jir.”

    Geerida ayaa waxaa sidoo kale weriyey warbaahinta kale ee Japan sida wakaaladaha wararka Jiji iyo Kyodo.

    Dilka siyaasiyigii ugu caansanaa Japan ayaa imanaya ayada oo Japan ay leedahay mid ka mid ah xeerarka ugu adag ee xakameynta hubka, iyo ayada oo uu socday ololaha doorashooyinka deegaanka ee dhacaya Axadda.

    Goor sii horeysay ra’iisul wasaare Fumio Kishida ayaa ka baaqday masraxa ololaha wuxuuna diyaarad qumaatiga u kacda u raacay caasimadda Tokoyo, halkaasi oo uu kula hadlay weriyayaasha isaga oo codkiisa aad u dabacsan yahay.

    “Ra’iisul rasaarihii hore Shinzo Abe waxaa lagu toogtay Nara, waxaana la ii sheegay inuu ku sugan yahay xaalad aad u liidata,” ayuu yiri.

    “Waxaan ku duceynayaa in ra’iisul wasaarihii hore Abe uu badbaadi doono. Waxaan cambaareynayaa weerarkan arxan darrada ah ee dhacay ayada oo lagu jiro olole doorasho oo ah aas-aaska dimoqraadiyadda.”

    Weerarkan ayaa ka dhacay gobolka galbeed ee Nara waxyar kahor 12-kii duhurnimo, halkaasi oo Abe oo 67 jir ahaa uu ka jeedinayey khudbad ayada oo ilaalo ay joogeen, balse daawadayaasha ayaa awooday inay si fudud ugu soo dhowaadaan.

    Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey isaga oo taagan masraxa markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

    Ugu yaraan laba xabad ayaa u muuqday in la riday.

    Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada amniga ay qabteen ninka lagu tuhmayo toogashada oo loo xiray tuhun ku saabsan isku day dil.

    Warbaahinta gudaha ayaa ninkaas ku sheegay 41 jir lagu magacaabo Tetsuya Yamagami, ayaga oo soo xiganaya ilo-wareedyo boolis, waxaana dhowr warbaahin ay sheegeen inuu horey uga tirsanaa ciidamada Maritime Self-Defense Force ee badda.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.