Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jarmalka oo taageero fara-badan u ballanqaaday DFS
    Somalia

    Jarmalka oo taageero fara-badan u ballanqaaday DFS

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Horumarinta Afrika u qaabilsan Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Arrimaha Horumarinta Caalamiga ah ee Dawladda Jarmalka.

    Ergeyga ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay uga war bixiyay dhibaatada abaaraha ka jira Soomaaliya, in dalku qarka u saaran yahay macaluul markii labaad muddo 11 sano gudahood ah iyo in weli farqi weyn uu u dhaxeeyo deeqaha la ballan-qaaday iyo baahida ay sababtay abaarta dad iyo duunyaba wax-yeelleysay.

    Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Horumarinta Jarmalka ayaa balan-qaadday in Xukuumadda Berlin ansixi doonto kaalmo cusub oo ay kaga qayb-qaadanayaan gurmadka abaaraha Soomaaliya, si looga baaqsado macluul ka daran middii 2011-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 260,000 oo qof oo carruur iyo haween u badan.

    Jarmalka wuxuu kaalinta labaad ka gelayaa Dawladaha gacanta ka gaysta taageerada gurmadka abaaraha ee Soomaaliya isagoo ku xiga Dowladda Maraykanka oo kaalin mug leh ka qaadaneysa dadaallada lagu garab istaagayo dadka abaaraha iyo iska-hor-imaadyada hubeysan saameeyeen ee gurmadka degdegga ah u baahan.

    Abaarta hadda ka jirta Soomaaliya ayaa ah middii ugu darnayd 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana u sabab ah afar xilli roobaad oo baaqday, halka xilli roobaadkii shanaad ee la sugayay bilaha October, November iyo December laga baqdin qabo in uusan u di’in si dhameystiran, taas oo kor u qaadi doonta tirada dadka ay soo food saartay cunto yarida.

    Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wali ku guda jira socdaal uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka Yurub si uu indhaha Caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta dalka, deeq-bixiyayaashana ugu boorriyo in ay si aan kala har lahayn uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.