Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jawaab Ku Wajahan Faysal Cali Waraabe.WQ.Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
    Somalia

    Jawaab Ku Wajahan Faysal Cali Waraabe.WQ.Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 2, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Jawaab Ku Wajahan Faysal Cali Waraabe

    Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

    Faysal hadaladdiisa waxaa ka mid ahaa Daraawiisha Annagaa Jebinnay…. Reerkii Somalida iswaalaba Annagaa Jebinna iyo Durukhaan kale aan soo qaadasho mudnayn…

    Daraawiishta Annagaa Jebinnay….

    Asaaskii Darawaashiishta, sidaan haynno halgankii ugu horeeyey ee Sayid Maxammed AUN waxaa la jaan qaaday Suldaan Nuur AUN oo ahaa Suldaanka Guud Ee Qabiilka Isaaq Gaar Ahaanna Garxejis oo uu Faysal kasoo jeedo… Suldaan Nuur wuxuu ku dhintay halgankaa isagoo ku jira waliba hoggaan sharfoon kaga jira… Haddaan hadalkaaga raaco, ma waxaan buugta taariikhda u gelinnaa reerka aad ku faanayso inay dileen Suldaankoodii sharafta iyo karaamada ka mudnaa…!!!! Tolow reerku raalli maka yihiin inaan taariikhda u gelinno inay dileen Suldoonkoodii AUN sharafta iyo karaamada mudnaa….

    Ogoobeey taariikhda waxaa horay u gashay dilkii haalgamaa Sh BashiirAUN ee sannadkii 1947 oo ay dileen ciidamadii gumaystaha ee Britishka oo ay maydkiisii soo dhigeen magaalada Burco loona diiday in la aaso…. Waddani Xaaji Aadan Afqallooc AUN oo ka gabyey wuxuu yiri….

    Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe
    Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane
    Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
    Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
    Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
    Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye
    Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
    Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
    Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
    Ma damqane jidhkiinnii markaa waad ku digateene
    Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.
    Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
    Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
    Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
    Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
    Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede
    Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.

    Faysaloow awoodda ay awoowayaashaa wax ku jabiyeen maxay ugu aasan waayeen Shiikhaas maydkiisii bahdilka foosha xun lagu sameeyey iyagoo daawanaya… Mise anigaa qaldan oo adigaa saxan oo xaajiyaddii ku dhashay ayaa kuu sheegtay inaad farac ahaan kasoo jeedid askartii Britishka…. Oo Reerka aad ku faanayso oo wax jabiyey waa Britishka….!!!! Ogoobeey Xaajiyadda meel ugama dhicin ee hadalkaaga ayaa sidaas u fasirmaya markaad sheegatay inaad Daraawiishtii jebisay… Sababtoo ah Muslim iyo Gaalo waxay buugtooda ku qoreen in Daraawiishtii Diyaarado lagula diriray oo kula dirireen Ciidankii Gumaystaha ee Britishka sidaana ay ku jabeen..

    Reerkii Iswaalaba Annagaa Jabinna…

    Markaan eegno kalmada Annaga ee aad isticmaashay, waxay qaadan kartaa ku jiritaankii aad ku jirtay Maamulkii uu Madaxwaynaha ka ahaa AUN Maxammed Siyaad Barre… Maamulkaasi wuxuu jebiyey Jabhaddi SNM markay soo weerareen gobolada W. Galbeed iyo Togdheer sannadkii 1988kii… Isla Sannadkaas waxaad ka sifaysaan jabhaddaas dhammaan dhulkay soo galeen… Marka hadalkaasi waa runtaa oo waxaa is waalay talona qaadan diiday jabhaddaas reer ahaan kasoo jeeday reerka aad ku abtirsato….
    Waxaad kaloo jabiseen adigoo markaas ku biiray markay burburay maamulkaad ka tirsanayd ee Siyaad Barre, jabhaddii aad shalay jebiseen markaad ka tirsanayd maamulkaas…Taariikhdu markay ahayd 2/4/1991 jabhaddii Samaroon idinkoo kaashanaya laba guuto oo Ethopian ahayd oo joogtay Wajaale… Waxaad qabsateen Boorame oo bililiqo lagu qiyaashay shan milyan oo lacagta marakanka ah iyo dil aad u gaysateen shacab lagu qiyaasay shan boqol… Odoyaashiinna u taxaabteen Ethopia oo sandulle ku aqbala Somaliland lagaga saxiixay…

    Dagaalkii AUN Abdiraxmaan Tuur kama been abuuran karo oo ma garanayo dhankaad raacsanayd… Waxaadse moodda ficilada haatan lagu hayo reeraha aad kasoo jeedid ee Garxejis ee Canshuurtii shacabka laga qaaday hubkii lagusoo gaday lagula dirirayo oo aadan maalinna wax ka oran, haddaad wax karirina waa arin aanan maqal oo waan kaa raali gelin… Hadaadan wax ka oranna waxay leedahay sifo ah inaad ku jirtay kooxdii la dagaalammaysay ee uu Hoggaaminayey Ibraahil Cigaal AUN… Taasna waxaa la oran karaa koox aad ku jirto ayaa wax jebisay….
    Intaas aan kor ku xusay wax ka baxsan oo aad dhiil caana ah ka daadiseen ma garanayo… Taariikhdana kuma xusna….

    Wa Billaahi Tawfiiq

    Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
    Email: aadciiltire@gmail.com
    Facebook: https://www.facebook.com/Guureey
    Website: http://aadciiltire.wordpress.com/

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.