Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jordan oo Maraykanka ugu baaqday inuusan Qudus u aqoonsan caasimadda Israa’iil
    Somalia

    Jordan oo Maraykanka ugu baaqday inuusan Qudus u aqoonsan caasimadda Israa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 4, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Israa'iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddooda aan kala qaybsami karin, Falastiiniyiintuna waxay doonayaan in ay Bariga Qudus noqoto caasimaddooda
    Israa’iil waxay Qudus u aragtaa caasimaddooda aan kala qaybsami karin, Falastiiniyiintuna waxay doonayaan in ay Bariga Qudus noqoto caasimaddooda

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

    Ayman Safadi ayaa sheegay in uu wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson u sheegay in ku dhawaaqidda arrintaas ay keensan doonto caro wayn oo ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka.

    Waxaa la isla dhexmarayaa in madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono wakhti dhaw, isaga oo fulinaya ballanqaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ol’olaha doorashada.

    Jared Kushner oo uu sodddog u yahay Trump ayaa sheegay in aysan jirin go’aan noocaas ah oo wali la qaatay.

    Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Safadi ayaa Twitterka ku soo qoray: “Waxaan kala hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka Tillerson cawaaqibka xun ee ka dhallan doona in ay Qudus u aqoonsadaan caasimadda Israa’iil. Go’aankaasina uu keeni doono caro ay qaadaan Carabta iyo Dunida Muslimka oo dhan, taas oo sii hurin doonta xiisadda, carqaladayn doontana dadaallada nabadda”.

    Ma jirto jawaab cad oo ay arrintan ka bixisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.

     Trump markii uu ol'olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono Qudus
    Trump markii uu ol’olaha doorashada ku jiray ayuu ballanqaaday in uu safaaradda Maraykanka ka rari doona Tel Aviv uuna gayn doono Qudus

    Ra’iisulwasaaraha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa isku dayaya in uu raadiyo taageero caalami ah si uusan madaxweyne Trump ugu dhawaaqin arrintaas.

    Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu Axaddii wacay hogaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo hogaamiyaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

    Wuxuu doonayay “in uu faahfaahiyo halista go’aankaste oo safaaradda Maraykanka loogu wareejinayo Qudus ama lagu aqoonsanayo in ay tahay caasimadda Israa’iil”, ayuu yiri lataliyaha Cabbaas Majdi al-Khalidi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

    Hogaamiyaha Falastiin ayaa horay uga digay in arrintaas oo lagu dhaqaaqo ay halis galinayso xalkii la raadinayay ee labada dal ahaa.

     Jared Kushner ayaa khudbad ka jeediyay shirka Saban Forum ee magaalada Washington DC
    Jared Kushner ayaa khudbad ka jeediyay shirka Saban Forum ee magaalada Washington DC

    Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto.

    Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaandoonto caasimaddooda aanan la kala qaybin karin.

    Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

    Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go’aamiyo wadahadal aysanna samaynin wax saamayn ku yeelan kara waxa ka soo bixi doona wadahadalladaas.

    Intii sannadkii hore lagu guda jiray ol’olihii doorashada Trump wuxuu muujiyay in uu aad u taageersan yahay Israa’iil wuxuuna ballan qaaday in uu amri doono in safaaraddooda loo raro magaalada Qudus oo laga wareejiyo Tel Aviv, uuna arrintaas samayn doono maalinta koobaad ee uu xafiiska la wareego.

    Go’aankaas ayuuse dib u dhigay tan iyo markii uu xilka qabatay, laakiin waxaa cirka isku shareeray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in laga yaabo in uu ku dhawaaqo arrintaas Arbacada.

     

    Kushner oo la taliye muhiim ah u ah Trump oo Axaddii hadal ka jeediyay xarun cilmi baaris ayaa diiday in uu arrintaas wax ka dhoho wuxuuna sheegay in ay madaxweynaha u taallo waxa uu ka yeelayo arrintan uuna shaacin doono wakhtiga ku haboon.

    “Madaxweynuhu go’aan ayuu ka qaadan doonaa arrintan waliba wuxuu ka eegayaa xaqiiqooyin kala duwan.

    Markii uu go’aankaas gaarana, isaga ayuu noqon doonaa qofka doonaya in uu idinkala hadlo, anigana ma aha.” Ayuu yiri.

    Xigasho :- BBCSomali.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.