Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jowhar Oo soo dhamaystirtay Senetaradii Aqalka-sare
    Somalia

    Jowhar Oo soo dhamaystirtay Senetaradii Aqalka-sare

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 4, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Baarlamanka maamulka HirShabeelle ayaa soo dhameystiray doorashada Aqalka Sare, ayada oo caawa la doortay labadii kursi ee ka harsaneyd sideedda kursi ee maamulka kasoo galaya.

    Labada Senator ee caawa la doortay ayaa kala ah; Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Zamzam Cabdullaahi.

    Cali Shacbaan oo ku guuleystay kursiga 7-aad ayaa wareeggii saddexaad ka adkaaday Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, isaga oo helaya 62 cod, halka Cabdulqaadir Xanafi uu helay 24 cod.

    Kursiga ay ku guuleysatay Zamzam Cabdullaahi ayaa waxaa horey ugu fadhisay oo ay ka adkaatay Senator Naciimo Ibraahim. Zamzam ayaa heshay 77 cod, halka Naciima ay ka heshay 8 cod.

    Maamul goboleedka HirShabeelle ayaa noqonayaa kii labaad ee si buuxda u dhameystira doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Puntland. Sidoo kale doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu soo geba-gebeeyey Muqdisho, toddobaadkii tegay.

    Maamullada Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ah kuwa aan weli soo dhameystirin doorashada Aqalka Sare.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.