Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubaland iyo Koonfur-galbeed oo wada jir usoo saaray Warmurtiyeed
    Somalia

    Jubaland iyo Koonfur-galbeed oo wada jir usoo saaray Warmurtiyeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 17, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    WAR-MURTIYEED.

    Kismaayo, 17, Diseembar, 2021.

    Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-
    gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada
    Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland.

    Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen
    Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed
    Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

    Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta
    Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-
    galinta Doorashooyinka.

    Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood isla
    qaateen qodabadan hoos ku xusan.

    1.) Abaaraha:

    waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud
    ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad
    degdeg ah o bani’aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay
    ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

    2.) Amiga:

    In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka
    argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

    1. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:

    Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab
    wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada
    Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha,
    Xoolaha yo Kaluumeysiga.

    1. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka

    Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta
    hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah
    Dowladda Federaalka & DFS.

    1. Doorashooyinka:

    Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in gabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo
    badbaadada dalka.

                           DHAMMAAAD.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.