Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Jubaland iyo Qaramads Midoobey oo kawada hadlay Kuraasta Gedo
    Somalia

    Jubaland iyo Qaramads Midoobey oo kawada hadlay Kuraasta Gedo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 13, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxwayne ku-xigeenka Koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir ku qabsoomay habka fogaan aragga la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

    Waxaa shirka sido kale qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland iyo qaar kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee matala Gobolka Gedo, Waxaana kulanka diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira masiirka 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

    War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka Koowaad ee Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Kulanka uu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo guul sida ay sheegeen masuuliyiinta shirka ka qeybgashay.

    Wararka ay ka heshay shirka ayaa sheegaya in Xubnaha ka socday Maamulka Jubbaland ay u sheegeen in Wakiilka QM in aan degmada Garbahaareey doorasho lagu qaban karin balse uu u sheegay in hal dhinac uusan go’aan ka gaari karin.

    16 kursi ee taalla degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa kamid noqday caqabadaha heysta doorashooyinka, iyada oo Beesha Caalamka ay Maamulka Jubbaland iyo Villa Somalia ku cadaadinayaan inay xal ka gaaraan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.