Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kal-fadhigii 50-aad Ee Golaha Wakiilada Puntland oo si rasmi ah ufurmay
    Somalia

    Kal-fadhigii 50-aad Ee Golaha Wakiilada Puntland oo si rasmi ah ufurmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril ayaa Khudbad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL kaas oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni sida uu qabo qodobka 80-aad farqadiisa 12-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

    Furitaanka Kal-fadhiga 50-aad waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Golaha Wakiilladda Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan, Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland, Wasiiro, Taliyeyaasha ciidanka iyo marti sharaf kale.

    Guddoomiyaha ayaa ka hadlay shaqooyinka Guddiyadda Golaha intii u dhexeysay 2da Kalfadhi.

    ” Muddadii u dhexaysey labada kalfadhi, Guddiga joogtada ahi waxay wadeen dhammaan hawlihii shaqo ee Golaha Wakiillada si waafaqsan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, sidoo kale guddiyada Goluhu iyagoo ka duulaya qodobada 16-aad iyo 62-aad ee xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxay muddadii u dhexaysey labada kalfadhi kormeer shaqo ku tageen Gobollada iyo Degmooyinka Puntland, waxayna korjoogtayn iyo u-kuur-gal kusoo sameeyeen hay’adaha dawladda si ay xog-ogaal ugu noqdaan sida bulshada loogaarsiiyey adeeggayada arrimaha bulshda, warbixinadda kormeeradaas oo faah-faahsan waxay guddiyadu soojeedin doonaan inta lagu gudajiro kalfadhigan haddii EEBBE idmo.”

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xiriira gudaha Puntland, waxa uuna ku booriyey shacabka iyo Dawladda adkaynta Nabadgelyada, midnimada iyo wada-jirka Puntland, sidoo kalena waxa uu si faah-faahsan uga hadlay shaqooyinkii ay Golaha qabteen, dhismaha xarunta cusub Aqalka Wakiilladda, wada-shaqeynta Baarlamaanka JSF iyo kan Puntland.

    Dhinaca kalena, Guddoomiyaha ayaa mar kale Hambalyo u diray Madaxweynaha JFS Mudane, Xassan Sheikh Maxamuud.

    ” Waxaan mar labaad Madaxweynaha cusub ee loo doortay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xassan Sheekh Maxamuud iyo madaxda labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee iyagana la doortay waxaan leeyahay hambalyo,waxaan IIlaahay uga rajeynayaa inuu u fududeeyo waajibaadkooda shaqo.”

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni ayaa khudbad Dastuuri ah ka jeediyey Furitaanka Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada DPL isaga oo ka hadlay guud ahaan xaaladaha dalka ee Amniga, dhaqaalaha, xaalufka degaanka iyo Abaaraha.

    DHAMMAAD

    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.