Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kalabar Shaqaalaha Twitter oo shaqada waayi doona
    Somalia

    Kalabar Shaqaalaha Twitter oo shaqada waayi doona

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 5, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkadda Twitterka,ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda maalintii Jimcihii, iyada oo shaqaalaha loo sheegay inay heli doonaan fariin email ah oo loogu kala sheegayo inay shaqada sii wadan doonaan ama in shaqada laga fadhiisinayo.

    Tallaabadan ayaa daba socota,ka dib markii uu dhowaan shirkadda Twitter-ka iibsaday muulkiilaha cusub ee Elon Musk, iyada oo ay hubanti la’aan badani soo foodsaartay, mustaqbalka shaqaalaha shirkadda.

    Maamulka cusub ee shirkadda Twitter iibsaday ayaa haatan bilaabay inay kala hufaan shaqaalaha shirkadda ee gaadhaya 7,500 oo shaqaale ah. Elon Musk oo ah qofka ugu taajirsan adduunka ayaa qorshaynaya inuu shaqada ka fadhiisiyo illaa 3,700 oo ka mida shaqaalaha shirkadda Twitterka, taas oo ah kala badh shaqaalweynaha.

    Shirkadda Twitterku kama jawaabin, fariin loo diray oo laga weydiiyey inay arrintan sharaxaad ka bixiso.

    Shaqaalaha shirkadda ayaa bilaabay inay isticmaalaan hashtag ay ku muujinayaan dareenkooda, kaas oo ay cinwaan uga dhigeen #OneTeam, fariimaha shaqaalaha waxaa ka jawaabay madaxa amniga iyo hufnaanka ee shirkadda Yoel Roth, isaga oo sheegay inuu furan yahay sanduuqiisa gaarka ah ee fariimaha sida tooska ah loogu diri karo, isagoo yidhi “maxaan idinka caawin karaa”

    Roth ayaa ah qofka ugu sarreeya ee illaa haatan taageerada u muujiyey shaqaalaha shirkadda ee shaqadooda waayaya. Waxaana weli muuqata inuu isagu xafiiska sii joogo. Toddobaadkii hore Elon Musk ayaa taageero u muujiyey Roth, isaga oo ku tilmaamay inuu yahay qof shakhsiyad nadiif ah leh.

    Shirkadda Twitterka ayaa si ku meel gaadh ah u xidhay xafiisyadeeda, iyada oo hawl-gab laga dhigay, aqoonsiyadii lagu soo gelayey dhismayaasha.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    December 20, 2025

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.