Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya:-Daawo Maxay u cuskaday Maxkamada sare ee Kenya laalida Natiijadii doorashadii Madaxtinimo
    Somalia

    Kenya:-Daawo Maxay u cuskaday Maxkamada sare ee Kenya laalida Natiijadii doorashadii Madaxtinimo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 1, 2017Updated:September 1, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa waxay dib u baabi’isay dib u doorashadii Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo waxba ka soo qaaday doorashadii dhacday 8 August ee bishii hore.

    Todobo xaakim oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Kenya ayaa isku raacay in Guddiga doorashada uu ku guuldareystay inuu qabto doorashooyin waafaqsan Dastuurka iyo sharciga doorashooyinka.

    Bayaan ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu faah faahiyay sababta waxba kama jiraan looga soo qaaday doorashadii 8 August, iyagoo soo bandhigay qodobo iyo cadeymo kala duwan.

    “Doorashooyinku ma aha dhacdo ee waa geeddi socod. Ka dib markii aan ka baaraan degnay caddaymaha oo dhan, waxaan ku qanacnay in doorashooyinka aan loo qaban si waafaqsan dastuurka iyo mabaadii’da lagu dabakhi karo” sidaa waxaa yiri xaakimka ugu sarreeya caddaaladda Kenya David Maraga, wuxuuna intaa ku daray in “madaxweyne Uhuru Kenyatta aan si sax ah loo soo dooran 8 Agoosto”.

    Soo koobidda diiwaan hayaha maxkamadda sare (maxkamadda sare waxay soo saartay amarro laakinse guddiga doorashada badankood wuu iska dhego tiray) ee ah in la eegay foomamka 34 A & B iyo kombiyuutarrada waaweyn ee guddiga doorashada.

    Qodobbo

    1.ku dhawaad 3 meelood oo meel foomamka way khaldanaayeen. Qaar waxba laguma qorin, qaar isku far ayaa lagu saxiixay, qaar waxay ka yimaadeen xarumo doorasho oo aan si rasmi ah u jirin, qaar waxaa ka muuqday natiijooyin ka duwan wadarta, sidoo kalena ka duwan tan ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada, kumanaan ma lahayn tiimbareyaal, saxiixyo iyo calaamadaha khafiifka ah ee warqadaha ka dhex muuqda.

    2.Shan malyan oo cod oo ku filan inay natiijada saamayn ku yeeshaan lama xaqiijin.

    3.Baaritaanka qaabka lagu galo kombiyuutarrada guddiga doorashada, maxkamadda waxay u saartay koox soo ogaatay in tiro isticmaaleyaal ah oo aan loo fasixin ay hanaanka gudaha u galeen, ka hor iyo ka dib doorashada.

    4.In guddoomiyaha guddiga doorashada uu galiyey, kana saaray foomamka 34A.

    5.In hanaanka KIEMS ee $24 Malyan joogay ee loogu tala galay in loo isticmaalo in isla markiiba toos loogu soo diro 34A si ay dhinacyada oo dhan u hubiyaan, uu hallaabay dhamaanba xarumaha codaynta ee dalka oo dhan, sidaa darteedna tirooyinka loo soo diray Nairobi ay badidood yihiin kuwo aan nidaamkaas loo isticmaalin ee lagu soo diray farriin qoraaleedka telefoonka gacanta,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

     

     

     

    Xigasho: BBCSomali

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.