Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya iyo Facebook oo luqunta iskugu jira
    Somalia

    Kenya iyo Facebook oo luqunta iskugu jira

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 31, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kenya,ayaa Sabtida maanta ah ku adkaysatay in aysan xannibi doonin baraha bulshada, ka dib markii hay’adda NCIC ay shirkadda Facebook uga digtay halis ah in la mamnuuco haddii aysan wax ka qaban hadallada nacaybka ah ee ay sheegtay in madashaasi lagu soo bandhigay.

    Hay’adda qaran ee ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ee NCIC loo soo gaabiyo ayaa Jimcihii u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah oo ay wax kaga qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

    Laakin wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo tiknooloojiyadda Kenya Joe Mucheru ayaa Sabtida maanta ah ku qoray Twitter-kiisa sidan “Warbaahinta, oo ay ku jiraan baraha bulshadu, waxa ay sii wadan doonaan in ay ku shaqeeyaan iyaga oo ka faa’iideysanaya xorriyadda saxaafadda ee ka jirta Kenya.”

    Waxa uu sheegay in aysan “caddeyn” hannaanka sharci ee ay NCIC qorsheyneyso in ay u isticmaasho si ay u xannibto Facebook, wuxuuna intaa ku daray: “Dowladdu waxa ay caddeyneysaa, ma jari doonno internetka.”

    Hadalkiisa oo kale waxaa isna ka dhawaajiyay wasiirka arrimaha gudaha Fred Matiang’i oo sheegay in uu dastuurku qeexayo xuquuqda dadka Kenyaanka ah ee xoriyatul-qawlka.

    “ka dowlad ahaan, ma dooneyno in aan ku xadgudubno xaqqaasi,” ayuu yiri.

    NCIC ayaa ah hay’ad madax banaan oo ka shaqeysa isdhaxgalka qowmiyadaha Kenya waxaana la unkay ka dib rabshadihii dhacay 2007-2008 ee ka dhashay doorshadii madaxtinimo oo ay ku dhinteen ilaa kun qof.

    Hay’adda ayaan haysan awood ay ku joojiso howlaha Facebook, laakinse waxa ay Hay’adda Isgaarsiinta ee dowladda u gudbin kartaa talo soo jeedin.

    Digniinta NCIC ayaa timid ka dib markii koox u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.