Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khasaaraha kasoo gaaray Pakistan Daadadka oo la shaaciyay
    Somalia

    Khasaaraha kasoo gaaray Pakistan Daadadka oo la shaaciyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 30, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hayโ€™adaha samafalka iyo masuuliyiinta dalka Pakistan ayaa gurmad u fidinaya shacabka Pakistan oo ay soo foodsaareen daadadkii ugu xumaa ee dalkaas ka dhaca muddo tobanaan sannadood ah, kuwaas oo geystey burbur saameeyey illaa 33 million oo qof, iyada oo daadadkaasi ay sababeen dhimashada ku dhowaad 1,200 oo qof, labadii bilood ee la soo dhaafay.

    Wasiirka Isbedelka Cimilada Sherry Rehman ayaa sheegtay Isniintii, in saddex-meelood oo meel ka mida dalka Pakistan inay haatan biyo fadhiyaan, taasoo abuuraysa dhibaato aan la qiyaasi karayn.

    Wasiirka ayaa sheegtay in haatan uu dhulkii Pakistan u muuqdo sidii badweyn oo kale oo aanay jirin meel biyaha loo saaraa, maadaama meel walba ay biyo fadhiyaan.

    Maamulka Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee (NDMA), oo hogaaminaya ka jawaabista, isku dubaridka qiimeynta iyo jiheynta gargaarka bini’aadanimo ee dadka ay saameeyeen daadadku, ayaa ku dhawaaqday in 72 ka mid ah 160-ka degmo ee uu dalkaasi ka kooban yahay inay haatan ka jirto masiibo ka dhalatay roobabku.

    NDMA waxay xustay in ugu yaraan 1 milyan oo guri, 162 buundo ama biriij, iyo ku dhawaad 3,500 kilomitir oo waddooyin ah inay waxyeelo soo gaadhay ama ay daadadku burburiyeen.

    Daadadka ayaa sidoo kale dilay in ka badan 800,000 oo xoolo ah waxayna waxyeello u geysteen beero iyo dalagyo muhiim ah.

    Pakistan ayaa horey u codsatay kaalmo caalami ah si wax looga qabto fatahaadaha baaxada leh. Qaar ka mid ah dalalka, oo ay ku jiraan Shiinaha, Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, ayaa horay u soo diray diyaarado xamuul ah oo sida teendhooyin, cunto, dawooyin iyo sahay kale oo gargaar ah, iyo weliba kooxo ka qayb qaata samatabixinta dadka ay daadadku saameeyeen, sida uu sheegay militariga dalka Pakistan.

    Wasiirka Maaliyadda ee Pakistan, Miftah Ismail ayaa shirjaraaโ€™id ka sheegay in khasaaraha dhaqaale ee dalka Pakistan ka soo gaadhaya daadadkani inuu gaadhayo illaa $10 bilyan oo dollar.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.