Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Khayre oo xariga ka jaray dhismaha Wasaarada Waxbarashada ee Fadaraalka
    Somalia

    Khayre oo xariga ka jaray dhismaha Wasaarada Waxbarashada ee Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 16, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey, isagoo kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

     Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda, iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

    ‘’Waa inaan u wada guntanaa dhamaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”.ayuu yiri R/Wasaare Khayrre.

    Mudane Xasan Cali Khayrre ayaa tilmaamay in bulshadda Soomaaliyeed ay muhiimad u leedahay Wasaaradda Waxbarashadu, isla markaana la doonayo in wax la baro caruurta Soomaaliyeed, si aqoontooda iyo garaadkooda loo kobciyo.

    Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in furitaanka Wasaaraddu ay tahay tallaabo wayn oo muujinaysa dib u soo kabashada amniga dalka taas oo abuuraysa in la horumariyo waxbarashadda, waxuuna balanqaaday in ay si caddaalad ku jirto u maamulayaan howlaha shaqo iyo deeqaha waxbarasho ee wadanku helo, loona qaybin doono dhamaan maamul goboleedyadda, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, loona daraynsiiyo muhiimadda dawladnimo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.