Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Kormeer Wadajir ah oo ay wada sameeyeen G.W.PL iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha PL.
    Puntland

    Kormeer Wadajir ah oo ay wada sameeyeen G.W.PL iyo Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha PL.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 25, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Badhan: Kooxda Kormeerka Wadajirka ah oo ka koobneyd Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Guddoomiye Avv. Siciid Cabdi Mumin iyo Guddiyada Golaha Wakiillada Puntland ee kala ah Guddiga Xuquuqda Aadanaha, Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda iyo Guddiga Arrimaha Golaha iyo Anshaxa ayaa kormeer shaqo ku tegay magaaladda Badhan.

    Ujeedka kormeerka oo ahaa mid loogu kuurgalayey xaaladda xuquuqda aadanaha iyo helidda caddaaladda da’yarta. Kormeerka waxaa diirada lagu saarayey hay’adaha Sharci-fulinta, Garsoorka, maxaabiista ku xiran xabsiga, saldhigyada iyo shaqada laamaha caddaaladda iyo amniga gobolka sanaag ee degmada Badhan.

    Kormeerka waxaa ka qayb-qaatay maamulka gobolka, degmada, wasaaradda Caddaaladda iyo saraakiil ka tirsan Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

    Difaacaha iyo Guddiyada Golaha Wakiillaada Puntland, waxay shirar gargaar ah la yeesheen intii ay kormeerka ku guda-jireen maamulka Gobolka Sanaag, Taliska qaybta Booliska, taliska, maxkamadda racfaanka iyo degmada, iyo xeer-ilaalinta, waxayna booqdeen xaarumaha laamaha amnig, xabsiga iyo Xarunta garsoorka ee cusub, iyagoo waraysi la yeeshay maxaabiista xabsiga ku xiran.

    Sidoo kale, kormeerayaashu waxa ay kormeer ku tageen xafiiska garsoor dhaqameedka degmada Badhan.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/09/VID-20240925-WA0006.mp4

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.