Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ku dhawaad 100-Qof Oo ku geeriyooday qaraxii Ex-Control Afgooye
    Somalia

    Ku dhawaad 100-Qof Oo ku geeriyooday qaraxii Ex-Control Afgooye

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 28, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 76 qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen qarax aad u culus oo maanta oo Sabti ah ka dhacay isgoyska Ex-control Afgooye ee magaalada Muqdisho.

    Goob-joogayaal,ayaa sheegay in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu mar qura ku qaxray isgoyska Ex-control Afgooye, xilli ay safaf ku jireen islamarkaana ay is-dhaafayeen baabuur tiro badan oo ah kuwa rakaabka ee daabula dadweynaha.

    Warar kale,ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday xarunta canshuurta lagu qaado ee ku taalla isgoyskaasi.

    Goob-jooge tagay halka qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in isgoysku uu noqday β€œgoob wada dhiig ah oo ay dhan walba ku firirsanaayeen hilbaha dadkii ku dhintay qaraxa.”

    Dadka geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan rayid.

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Filish oo goobta qaraxu ka dhacay booqday ayaa u sheegay wariyeyaasha in aysan hayn tirada rasmiga ah ee ku dhintay qaraxa hase ahaatee ilaa 90 qof ay dhaawacmeen.

    “Inta badan dadka qaraxa ku waxyeeloobay waa dad aan waxba galabsan oo u badan arday jaamacadaha dhigata iyo rayyid kale,” ayuu Gudoomiye Cumar Filish u sheegay suxufiyiinta.

    Saraakiisha dowladda iyo kuwa gargaarka deg degga ah ayaa sheegay in tobaneeyo qof ay ku nafwaayeen qaraxa, balse dhimashadu ay mar walba sii siyaadi karto.

    Qaraxan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

    Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee qaraxyada noocaani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay kooxda Al Shabaab.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    October 28, 2025

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    October 28, 2025

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    October 28, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.