Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ku dhawaad 50-ka mid ah Maleeshiyada Alshabaab Oo lagu dilay Shabellada Dhexe
    Somalia

    Ku dhawaad 50-ka mid ah Maleeshiyada Alshabaab Oo lagu dilay Shabellada Dhexe

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Somaliya,ayaa sheegtay in illaa 40-xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay, tiro kalana lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere oo hoos taga degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

    Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, howlgalka ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

    “Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday xubnahaan Khawaarijta ah xili ay isku abaabulayeen dhulka keymaha ah ee ku yaala deegaankaan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta.

    “Howlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha Khawaarijta looga ciribtirayo dalka oo dhan isla markaana lagu joojinayo dhaqdhaqaaq kasta oo ay isaga gudbi karaan meelaha ay haraadiga ku yihiin wali.”

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay mahadcelinayso shacabka Soomaaliyeed ee qaybta ka ah dagaalka Al-Shabaab iyo saaxiibada caalamiga ah.

    Dowladda,ayaa sidoo kale ugu baaqday dhallinyarada ku jirta kooxda Al-Shabaab inay isa soo dhiibaan, ayna gacan furan kusoo dhowayso kuwa kasoo baxa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    December 19, 2025

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.