Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kulankii baarlamaanka Oo maanta baaqday iyo muran ka taagan qabsoomidiisa
    Somalia

    Kulankii baarlamaanka Oo maanta baaqday iyo muran ka taagan qabsoomidiisa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 11, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Shirkii Baarlamaanka fadaraalka ah ee loo balansanaa maanta,ayaa baaqday,waxaana 2-Fariimood oo jahwareer dhaliyay oo loo kala diray Xildhibaanada
     
    Kulankii maanta oo Arbaco loo balansanaa in Guddoomiyihii is casilay Maamed Shiikh Cismaan Jawaari uu ka jeediyo Fadhiga Baarlamaanka ayaa baaqday, iyadoo uu soo baxayo muran iyo is qab qabsi ka dhashay habka kulankaas loo qabanayo.
     
    Farriimo iska soo horjeeda ayaa xalay loo kala diray Xildhibaanada, waxaana farriin ka timid dhanka howl wadeenadii horay u diri jiray farriinta ee Baarlamaanka ay ku wargeliyeen Xildhibaanada kulanka maanta oo arbaco ah iyo hadal jeedinta Guddoomiyihii hore.
     
    Sidoo kale waxaa farriin kale markii dambe diray Sii hayaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye Kuxigeenka 1aad C/wali Muudey oo sheegay in aanu jirin kulan illaa amar dambe.
     
    Arrintan ayaa hubaal la’aan iyo jahwareer cusub ka dhex dhalisay Xildhibaanada oo la sheegay inay la yaabeen farriimaha iska soo horjeeda, mar haddii la soo afjaray xiisadii taagneyd.
     
    Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in C/wali Muudey uu ka soo horjeedo khudbada Jawaari uu ka jeedinayo kulanka iyo marka u horeysa furitaanka oo uu shir guddoominayo, bacdamaa Jawaari inta uusan is casilaad ku dhawaaqin uu kursiga shir guddoonka ku farriisanayo.
     
    Guddoomiyaha is casilay Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta la filayay in khudbadiisa is casilaad uu ka jeediyo Xildhibaanada, isla markaana uu halkaas ku soo dhamaado murankii iyo kala qeybsanaantii u dhaxeysay.
     
    Kulamo lagu xalinayay muranka ka dhashay kulankan ayaa xalay ka dhacay Madaxtooyada, waxaana la sheegay in illaa maanta ay u dhow dahay in xal la gaaro, isla markaana maalinka berri oo Khamiis ah la qaban doono kulanka.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.