Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kumuu ahaa Cabdi Maxamuud Cumar?WQ.Jibril Qoobey.
    Somalia

    Kumuu ahaa Cabdi Maxamuud Cumar?WQ.Jibril Qoobey.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 12, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cabdi Maxamuud Cumar mid ka mid ah hogaamiyayaashii taariikhda galay ee mar soo taliyay.

    Cabdi waxuu ahaa siyaasi hal adag,geesi ah oo aragti leh,balse ay ka xoog badatay ilaalsashada kursiga.

    Cabdi hogaanka Dowlad Deegaanka waxuu qabtay isagoo yaala dhulka dhan walba,taa badalkeedana waxuu uhorseeday in uu gaaro meel lagu faani karo..

    Waxuu wax ka badalay muuqaalkii caasimada,isagoo guud ahaan Deegaanka ka hirgaliyay mashaariic horumarineed oo loo aayi doono..

    Cabdi waxuu wax ka qabtay qaybaha Waxbarashada,Caafimaadka,Biyaha,Wadooyinka iyo xaalufka Deegaanka.

    Cabdi Maxamuud Cumar waxuu Deegaanka udhisay Ciidan gaar ah,kuwaasoo lagu magacaabo Liyuu Boolis gaarayana tiradooda ugu yaraan 30.kun oo askari kuna qalabaysan hub iyo qalab Milatari oo ku filan sugida amaanka heer Deegaan.

    Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxuu wax la qaybsaday lana goosgoostay isla markaana la jaanqaaday Tigreegii awooda Itoobiya lahaa,sidoo kale waxuu meel iska mariyay Qawmiyadaha kale ee Itoobiya.

    Cabdi Maxamuud Cumar waxuu soo afjaray kooxihii ka dagaalamayay gudaha Deegaanka ee xornimo udirirka ahaa sida ONLF iyo Alitixaad,.

    Cabdi Maxamuud Cumar waxaa la sheegaa in uu xabsiyada Deegaanka,gaar ahaan xabsiga loo yaqaan Jeeel Ogaadeen uu ku hayay Maxaabiis gaaraysa 4000 oo qof,sidoo kale waxaa la tilmaamaa in ay gacantiisa ku baxeen shaqsiyaad iskugu jiray siyaasiyiin,ganacsato,Culumo iyo aqoonyahano uu khatar u arkayay.

    Cabdi waxuu saamayn xoog leh ku yeeshay Qurbajoogta isagoo ku guulaystay in uu yareeyo taageerada qurbajoogta ee ururadaas,sidoo kale waxuu ku qanciyaya qurbajoogta in ay aaminaan Deegaanka dibna ugu soo laabtaan oo maalgashtaaan.

    Cabdi waxuu si buuxda ugu qanciayay boqolkiiba sideetan in ay bulshada Deegaanka kasoo jeedaa ku qanacdo Itoobiyaanimada. gudo iyo dibadba.

    Cabdi waxuu iska dhciiyay maamulada Somalida ee dariska la ah DDSI,kuwaasoo xiliyadii hore kula kcii jiray shacabka DDSI dhaqamo foolxun oo aan la aqbali karayn.

    Isku soo wada duuboo hogaamintii Cabdi Maxamuud Cumar gabalkeedii waa dhacay,balse waxuu ka tagay Deegaan dhan walba ka dhismay kana mid noqday Deegaamada Itoobiya ugu muhiimsan.

    Su’aasha meesha taala ayaa ah mala heli doonaa masuul kasoo jeeda Beesha ugu faraha badan Deegaanka ee Ogaadeenya oo la jaanqaada Itoobiyada Oromadu hogaaminayso,isla markaana ilaalsada danaha masiiriga ah iyo awoodaha Deegaanka.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.