Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»LA XISAABTANKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND
    Puntland

    LA XISAABTANKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA PUNTLAND

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 18, 2024Updated:November 18, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, Nofeembar 18, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

    Fadhigan ayaa lagu falanqeeyey la xisaabtanka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, iyadoo uu shirku ku salaysnaa qodobka 64-aad, farqaddiisa 17-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo awood siinaya Golaha in ay kormeeraan Golaha Xukuumadda.

    Wasiirka Maaliyadda, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, ayaa Golaha hor keenay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan maamulka dhaqaalaha Dawladda, isaga oo sharaxaad ka bixiyay arrimaha dhakhliga, kharashaadka, xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, qoondada caasimadda Garowe, lacagta horumarinta waxbarashada, canshuuraha, iyo ganaaxyada.

    Wasiirka ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay mudnaan gaar ah siisay dayactirka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha, sida waddooyinka iyo buundooyinka, taas oo qayb weyn ka qaadatay fududeynta isu socodka dalka iyo kobcinta dhaqaalaha. Waxa uu tilmaamay in mashruucyadani ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarinta deegaannada iyo isku xirka gobollada Puntland.

    Xildhibaannada ayaa Wasaaradda wax ka weydiiyay arrimaha xuquuqda shaqaalaha rayidka ah, ciidamada Dawladda, xuquuqda shaqaalaha, maalgelinta adeegyada bulshada, iyo hirgelinta qorshayaal lagu xoojinayo hufnaanta maamulka maaliyadeed.

    Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay xooga saartay dhiirrigelinta wax-soo-saarka gudaha iyo kor u qaadidda maalgashiga, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, beeraha, iyo kalluumaysiga. Wasiirku wuxuu sheegay in la hirgeliyay nidaamyo taageeraya ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, si loo dhiirrigeliyo shaqo abuurka, loona yareeyo ku-tiirsanaanta kaalmada dibadda.

     

    Intaa kadib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa doodo iyo su’aalo ku saabsan warbixinta Wasiirka ku iftiimiyey muhiimadda ay leedahay joogteynta horumarka dhaqaalaha, xoojinta nidaamka dakhliga gudaha, iyo yareynta kharashaadka aan muhiimka ahayn.

    Golaha Wakiillada Puntland ayaa kulanka ku soo gabagabeeyey talooyin ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta nidaamyada maaliyadeed ee Dawladda Puntland, si loo gaaro isku filnaansho dhaqaale iyo horumar waara.

    – DHAMMAAD –

    Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.