Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Layliga Milatari Ee Turkiga oo xiisad dhaliyay
    Somalia

    Video:-Layliga Milatari Ee Turkiga oo xiisad dhaliyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 29, 2020Updated:August 29, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Turkey ayaa sheegtay in labada toddobaad ee soo socda ay howgal milatari ku qaban doonto dhanka waqooyi galbeed ee Qubrus, xilli ay sii kordheyso xiisadda kala dhaxaysa Greece oo ku saabsan muran ka taagan sheegashada xuquuqda sahminta ee bariga badda Mediterranean ka.

    Murankan mudada dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya Turkiga iyo Giriiga, oo labaduba ka tirsan isbahaysiga NATO, ayaa sii kordhay kadib markii labada dal ay heshiisyo isdiidan oo dhinaca xuduudahooda badda ah la kala saxiixdeen dalalka Libya iyo Masar, iyo ka dib markii uu Turkigu bishan markab sahan ah u diray biyaha lagu muransan yahay.

    Labada dhinacba waxa ay qabteen laylisyo militari oo ka dhacay bariga badda Mediterranean ka, taasi oo muujinaysa suurtagalnimada muranka ka dhaxeeya in uu isku bedelo iska horimaad.

    Laba toddobaad ka hor, maraakiibta Giriiga iyo kuwa Turkiga ee ilaalinaya markabka sahminta saliidda iyo gaaska ee Turkiga ee Oruc Reis ayaa isku dhacay, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Turkiga oo xustay in dayuuradaha F-16 ee Turkiga ay Khamiistii ka hortageen lix diyaaradaha F-16 ee Giriiga oo soo galayay aag ay Turkigu ka howlgalayeen.

    Habeenimadii Jimcaha, Turkiga ayaa soo saaray ogeysiiska Navtex – oo ah farriin la talin ah oo uu siiyay ciidamadiisa badda, waxaana farriinta lagu sheegay in ay qaban doonaan “layli hub ah” laga bilaabo Sabtida maanta ah ilaa 11-ka Sebtember kana dhaceysa waqooyiga-galbeed Cyprus.

    Diblumaasi sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa Jimcihii sheegay in kooxda cunnaqabateyntu ay diyaarinayso cunaqabateyn ka dhan ah Turkiga oo looga doodi doono shir dabayaaqada bisha September dhici doona, cunnaqabateyntaas oo lagaga jawaabayo muranka Ankara ee Greece oo ah dal xubin ka ah Midowga Yurub.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.