Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Lionel Messi oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris St Germain
    Puntland

    Lionel Messi oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Paris St Germain

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 11, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Lionel Messi ayaa ku biiray kooxda Paris St Germain ee waddanka Faransiiska Talaadadii shalay aheyd, kaddib markii uu ka tagay kooxda Barcelona oo ah kooxdii uu ka bilaabay cayaaraha oo la filayay inuu xirfadiisa ku soo gabagabeeyo.

    Messi, oo lix jeer ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ee ciyaaryahanka ugu wanaagsan qaaradda Yurub, ayaa kooxdiisa cusub u saxiixay heshiis labo sano ah, kaas oo sidoo kale ikhtiyaar u siinaya in loo kordhin karo sannad kale oo saddexaad, sida ay kooxdu ku sheegtay bayaan ay ku soo daabacday website-keeda.

    Ku soo biirista xiddiga reer Argentine, oo ka mid ah cayaartoyda ugu fiican jiilkiisa, ayaa weerarka PSG ku dari doona awood dheerri ah oo laga cabsado, maadaama ay hore u joogeen xiddiga reer Brazil ee Neymar iyo xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ee Faransiiska Kylian Mbappe.

    “Waan ku faraxsanahay inaan ka bilaabo Paris Saint-Germain qeyb cusub oo xirfadeyda ah, “Waxaa iga go’an inaan gacan ka geysto dhisidda wax u gaar ah kooxda iyo taageerayaasha,” ayay PSG ka soo xigatay Messi.

    Imaatinka gooldhaliyaha ugu goolasha badan kooxda Barcelona, kaas oo dhaliyay 672 gool, ayaa sare u qaadi doonta hamiga kooxda ay leedahay Qatar ee PSG, si ay ugu guuleysato koobka ugu qaalisan, uguna qiimahaa badan ee Champions League.

    “Messi ma aanu qarin rabitaankiisa ah inuu sii wado ka qeybgalka cayaaraha heerka ugu sarreeya iyo ku guuleysiga koobab, dabcan rabitaankeenna koox ahaaneed waa inaan sidaas oo kale sameyno,” ayuu yiri guddoomiyaha PSG Nasser Al-Khelaifi.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.