Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Lixdii April 1988, 34 Sano ka hor maantoo kale maxaa dhacay??
    Somalia

    Lixdii April 1988, 34 Sano ka hor maantoo kale maxaa dhacay??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 6, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    6-dii April 1988, 34 Sano ka hor maantoo kale maxaa dhacay??

    1). Galabnimadii 6dii Bishii Abril 1988, waxaa Magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday Talisyadii Militari ee Somaliya iyo Itoobiya ka jiray ee madaxda ka ahaayeen General Siyad Barre iyo Col. Mingiste Xayle Maryam. Wafdiga Itoobiya waxaa hogaaminayey Wasiirkii Arimaha Dibadda Mr. Burhane Baye, dhanka Somaliyana Wasiir Mr. Cabdirahman Jamac Barre. Labadaas xukun ee askartu horseedka ka aheyd oo kacdoon badan kasoo horjeedeen waxay isla garteen in ay isnabad geliyaan kana bilaabaan joojinta taageerada mucaaradka ka dhanka ah labadooda maamul ee saldhigyada ku lahaa labada dal.

    2). 8dii Abril 1988, waxaa Taliskii Militari ee Somaliya albaabada u xidheen idaacadihii iyo xafiisyadii mucaaradkii Taliskii Militari ee Itoobiya, sida Jabhadii EPLF ee Eriterya ka dagaaleysay iyo Jabhadii TPLF ee ka jirtay Gobolka Tigraay.

    3). 9kii Abril 1988, waxaa sidoo kale maamulkii Addis Ababa ee Itoobiya albaabada u xidheen Idaacadii Codka Mucaaradka Somaliyeed ee Radiyow Halgan/Kulmis Ismarkaana u sheegeen Hogaamiyaashii SNM iyo SSDF in ay joojiyaan waxkasta oo dhaqdhaqaaqa ee ay Itoobiya ka wadeen.

    4). Gudoomiyihii Ururka SNM, Mr. Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu la tashi la sameeyey deg deg ah hogaamintii SNM ee siyaasadda iyo ciidamada, waxyar dabadeedna wuxuu u duulay London, UK.

    5). Gudoomiyihii Ururkii SSDF Dr. Xasan Cali Mire wuxuu isna wargeliyey hogaankii Siyaasadeed iyo kii Milatari ee joogay Itoobiya intii horey Itoobiya u xidhxidhay mooyee sida Cabdullahi Yusuf, Gudoomiyihii SSDF.

    6) Dr. Xasan Cali Mire isna wuxuu u baqoolay Nairobi si uu ula tashado ruugcadaayadii iyo dadkii talada ku lahaa asaaska Mucaaradka ee u baxsadey Kenya bilawgii sanadadii 1970-dii sida asaasataashii xisbigii SODAF iyo SSDF oo Afrikada bari ku xooganaa.

    7). 27kii May 1988, waa Ururkii SNM weerar qorsheeysan ku qaadeen Saldhigyadii Ciidamadii Taliskii Militari ee Somaliya ay ku lahaayeen Gobolada Waqooyi, waxayna si yaab leh uga gacan sareeyeen ciidamadii Taliska Muqdisho kadib kolkii gudaha ay u galeen magaalooyinka waaweyn sida Burco, Hargeysa, Berbera, Gebiley iyo meelo kaleeto.

    Taliskii Somaliya xooga ku haystay waxay markaleeto door bideen in ay awood ciidan kaga hortagaan ururka SNM. Waxaa taa ka dhashay iyadoon loo meel dayin in Taliska Muqdisho uu adeegsado goobaha shacabka nooc kasta oo hub ah sida Madaafiicda kala duwan ee wax gumaada iyo diyaaradaha dagaalka.
    Waxaa halkaas ka dhashay burbur, baaba iyo gumaad dadkii Somaliyeed ee ku noolaa Gobolada Waqooyi

    8). 1989, waxaa bilaabay dhaqdhaqaayo kaleeto oo Xisbiyo mucaarado kale lagu sameeynayo. Rag siyaasiyiin ahaa oo beelaha gobolada dhexe iyo Banaadir kasoo jeedaa horeyna ka mid ahaa SSDF iyo SNM iyo qaar kaloo cusub ayaa asaas u noqday Urur cusub, Golaha Midnimada Somaliyeed (United Somali Congress -USC). Ragaas waxaa ka mid ahaa Xuseen Cali Shido, Maxamed Farax Jimcaale, Cumar Salaad Cilmi, Col. Abdisalam Diini Gorgor, Col. Cabdullahi Ugas Daanbuur, Capt. Sigane, Cali Hagarey, Maxamed Warsame Kiimiko, Cali Osoble Wardhiigley, General Maxamed Farax Caydiid iyo rag kaleeto.
    9). 1989/1990, waxaa kale oo bilaamay kacdoono kaleeto, sida Dhaqdhaqaaqa Wadani Somaliyeed ( Somali Patriotic Movement -(SPM) oo hawlgalo ka bilaabay Goboladda Jubooyinka.

    10). 1990, waxaa soo baxay in Siyaasiyin hore iyo aqoonyahano waxayna sameeyeen Gole loo dhan yahay oo la magac baxay Manifesto kuwaas oo isku dayey in ay nabad Wadanka ku badbaadiyaan. Laakinse waxaa Taliskii Militari ula dhaqmay si foolxun, qaarkoodna jeelasha ayaa loo taxaabay, taas oo iyana ka sii dartay oo kordhisay kacdoonkii aakhirkiina galaaftay Kacaankii iyo Taliskii Militari ee Madaxda uu u ahaa General Maxamed Siyaad Bare kaasi oo Muqdisho ka huleelay 26kii Janaayo 1991.

    Jamhuuriyaddii 2aad ee Somaliya, askartuna maamulayeen mudada 21 Sanadood ah ayaa halkaas ku burburtay, waxaana wadanku galey xili adag, dagaalo sokeeye iyo qeybsanaan Jamhuuriyadii Somaliya ku timid 1990kii. -Keydka/Amb. Abdirashid Aden Seed.”Qoor”

    Xigasho:-Abdi Faarax Juxaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.