Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»M.xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyay Xarunta Midowga Yurub
    Puntland

    M.xigeenka Puntland oo lagu soo dhaweeyay Xarunta Midowga Yurub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 2, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Brussels: 02 September 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ku sugan dalka Belgium, ayaa ka qayb galay Xaflad soo dhoweyn ah oo Jaaliyada Puntland ee Belgium ugu sameeyeen Caasimadda dalkaasi ee Brussels.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Jaaliyadda la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Puntland, gaar ahaan shaqooyinka dalkii laga qabtay iyo Kuwa socda, sida horumarka xagga Amniga, Dimuqraadiyadda ka hirgashay Puntland iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga.

    Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku uga mahadceliyey jaaliyadda dadaalkooda isku xirnaantooda iyo ka warqabka dhulkii, isagoo ku booriyey in ay qeyb ka qaataan horumarka iyo maalgashiga.

    Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa munaasabadda kala qeybgalay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Puntland iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland, Wakiilka Puntand ee Midowga Europe, Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Belgium iyo qeybaha kal duwan ee Jaaliyadda Puntland ee Belgium.

    -DHAMMAAD-

    -XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.